14.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Gudiga Madasha Bulshada Soomaaliyeed oo soo bandhigay go’aanno ka soo baxay Shir ay Nairobi ku yeesheen Madasha Beesha Caalamka

- Advertisement -spot_imgspot_img


Khamiis,
January 25, 2007(HOL): Shir balaaran oo maanta ka dhacay xarunta ururka Socda ayaa lagu soo bandhigay go’aanadii ka soo baxay Madasha Bulshada Caalamka ee lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Kulankaasi lagu soo bandhiyay go’aanadii Madasha Beesha Caalamka ayaa waxaa  saxaafada uga warbixiyay go’aanadii ka soo baxay shirkaasi xubnaha gudiga Madasha Bulshada Soomaaliyeed, iyadoo xubihii halkaa ka hadlay ay ka mid ahaayeen Cabdiqaadir Sheekh Yuusuf oo ah madexa Barnaamijyada ee Socda, Axmed Diini Xasan, Maxamed Cali Shiidle iyo Qaasim Maxamed Muuse.

 

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi lagu soo bandhigay qoraalkii ka soo baxay Madasha Beesha Caalamka, wuxuuna qoraalkaasi u qornaa sidan:

 

Sida aad la socotaan, Madasha Bulshada Soomaaliyeed (Somali Social Forum) waa madal ka tirsan Madasha Bulshada Afrika iyo tan Caalamkaba.

 

Waxaa xusid mudan in Madasha Bulshada Soomaaliyeed isu imaatinkeeda lagu qabtay magaalada Muqdisho saddex sanno oo xiriir ah 2003, 2004 iyo 2005. Taas oo u heelanayaasha bulshada Soomaaliyeed siisay fursado badan oo ay uga doodaan xaaladaha bulsho, dhaqaale iyo siyaasadba ee dalka ka jiray.

 

Sannadka la soo dhaafay ee 2006 lama qaban wejigii 4aad ee Madasha Bulshada Soomaaliyeed sababtoo ah waxaa fursad weyn noqotay in Madasha Bulshada Caalamka lagu qabanaayey markii ugu horreysay Qaaradda Afrika, taasoo nasiib wanaag ka dhacday magaalada Nayroobi ee dalka Kenya oo aan deriska nahay. Arrintaasi waxay fursad u siisay u heelnayaasha arrimaha bulshada Soomaaliyeed in ay u guntadaan ka qeybgalka madasha Nayroobi ka dhaceysay 20ka ilaa 25ka Janaayo 2007. Taas oo maanta la soo gebagebaynaayo.

 

Ujeeddooyinka Madasha Bulshada Caalamka

 

  • Dhisidda duni leh nabad, caddaalad, anshaxa guud iyo qaddarinta hab – dhaqaneedka kala duwan;
  • Ka xorreynta dunida xukumista shirkadaha caalamiga ah oo dhaqaalaha adduunka gacanta ku dhigay;
  • Hubinta helitaan waara oo caalami ah oo ku wajahan badeecadaha guud ee uu bani’aadamka u baahan yahay;
  • Dimoqraadiyeynta aqoonta iyo xogta;
  • Xaqiijinta  sharafta, difaaca kala duwanaanshaha, damaanad qaadidda sinnaanta jinsiga iyo baabi’inta dhammaan qaababka midab kala sooca;
  • Damaanad qaadidda xaqa loo leeyhay cuntada, daryeelka caafimaadka, waxbarashada iyo shaqadaba;
  • Dhisidda nidaam caalami ah oo ku salleysan dawlannimada, aaya ka talinta iyo xuquuqda dadka;
  • Dhisidda dhaqaale waara oo dadka ka dhexeeya;
  • Dhisidda hay’ado iyo haykalo  siyaasadeed dhab ah oo dimoqraadi ah oo ay si dhammeystiran uga qeyb galaan dadka go’aan gaarista iyo ilaalinta hantida iyo arrimaha guud: 

Madasha Nayroobi waxay fursad siisay u heelanayaal badan oo ka kala socda caalamka oo dhan (150,000) in ay ka doodaan isla markaana tallooyin iyo qaab waxqabad  ka soo jeediyaan dhibaaatooyinka bulsho, dhaqaale iyo siyaasad oo caalamka ka jira. 32 urur oo Soomaaliyeed ayaa ka qeyb galay; kuwaasoo ka kala tagay gobollo kala geddisan ee dalka ah iyo Soomaali Qurbo joog ah oo guud ahaan ka badan 300 oo ka qeybgalayaal ah.

 

Qoddobada gundhigga u ahaa ka qeybgalayaasha Soomaaliyeed waxay ahaayeen ‘Nabadda iyo Deegaanka’. Sidaa darted, waxaa xarunta ugu weyn oo ay madashu ka dhaceysay ee Kasaraani (Moi Sports Complex) lagu diyaariyey teendho ay ka qeybgalayaasha Soomaaliyeed ku soo bandigeen aragtidooda. Waxaa si gaar ah looga dooday arrimaha la xiriira nabadda, dhallinyarada, culeysyada gaarka ah oo haysta haweenka iyo ku tacadiga deegaanka.

 

Bannaanbaxyadii la dhigay waxaa ugu weynaa in Soomaalida iyo bulshada caalamkaba u guntadaan in dhiigga daadanaayo iyo collaadahaba laga cirib tiro geyiga Soomaaliyeed. Ka qeybgalayaal caalami ah oo aad u daneynaayey in Soomaaliya ay ka baxaan ciidamada Itoobiya oo lagu soo beddelo ciidamo caalamka isku raacsan yahay ayaa aad ula saftay ka qeybgalayaasha Soomaaliyeed.

 

Baaqyada lagu dhawaaqayey waxaa ka mid ah:

o       Bulshada caalamkaay siiya taagero Soomaaliya ( oo caan ku noqotay in lagu soo gaabiyo STS Somalia);

o       Ameerikaay ka jooji saxariirta Soomaaliya;

o       Haweenka iyo dhallinyarada waa lafdhabarta Soomaaliya.

 

Waxaa ka qeybgaqlayaasha Soomaaliyeed soo bandhigeen qoraallo iyo hal – ku – dhegyo la xiriira baahida loo qabo iyo qaabka lagu  horumarin karo nabadda iyo beyadda.

 

Waxaan rajeyneynaa in sida walaalaheena ka qeybgalay Madasha Bulshada Caalamka ay ugu dadaaleen inay muujiyaan cilladaha dhabta ah oo aan qabno iyo xaallinta loo baahan yahay inteena gudaha dalka joogta inaan u guntano tusaalaha iyo dadaalka ay horseeday Madasha Bulshada Soomaaliyeed (Somali Social Forum).

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).