Khamiis,
Xabiibo Cilmi waxay intaas ku dartay in ay rumeysan yihiin in waxa maalin kasta dhaca u geysta ay yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka, bacdamaa ay wataan dharkii Dowladda iyo weliba qoryo u gaar ah dowladda, waxayna caddeysay in mar ay la xiriireen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ay u sheegeen in ay dacwad soo qortaan, caddeymana la yimaadaan.
Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Cali Saciid Shiikh Xasan oo arrintaas wax laga weydiiyay ayaa sheegay in aaney soo gaarin wax cabasho ah, wuxuuna caddeeyay in haddii ay cabashadaas soo gaarto ay wax ka qaban doonaan.
Dhanka kalena, Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo maalmahan lagu arkayay Isgoysyada Magaalada Muqdisho ayaa waxay wadaan howlo burcad sifeyn ah oo ay kula dagaalamayaan Kooxo burcad ah oo dadka dhac u geysta, waxaana howlgallada Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka soo dhaweeyay dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo cabsi weyn ka qaba in ay dib ugu laabtaan xaalad ammaan darro iyo fowdo ah kadib markii ay muddo lix bilood ah nabadgelyo ay suurtageliyeen maxkamadihii Islaamka ay ku soo noolaayeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online