14.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Askari Itoobiyaan ah oo maanta lagu dilay Magaalada Kismaayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, January 25, 2007(HOL): Askari Itoobiyaan ah ayaa geeriyooday mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu nin ku hubeysan Bastoolad iyo Toorreey uu ku weeraray suuq ku yaala Magaalada Kismaayo oo dharka lagu iibiyo.

 

Ninka hubeysnaa ayaa la sheegay in uu madaxa xabad kala dhacay Askariga Itoobiyaanka ah ee geeriyooday iyo midka dhaawacmay, iyadoo kadibna uu baxsaday sida ay ku warameen dad ka dhawaa halka uu falkaas dilka ah ka dhacay.

 

Kadib markii uu dhacay dilka loo geystay Askariga Itoobiyaanka ah ayay gacan ku heynta Suuqa Magaalada Kismaayo la wareegeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan, waxayna taasi keentay in ay dadkii ku ganacsanayay Suuqa Kismaayo ay ganacsigooda joojiyaan, iyagoo ka cabsi qaba in ay dhibaato u geystaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Askariga laga dilay.

 

Waa markii ugu horeysay oo fal dil ah loo geysto Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Gobollada Jubbooyinka, gaar ahaana magaalada Kismaayo, iyadoo dilka maanta loo geystay Askariga Itoobiyaanka ahna uu ku soo beegmayo iyadoo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya ay bilaabeen in ay baxaan.

 

Ugu Dambeyntiina Ciidamada Itoobiyaanka ayaa magaalada Kismaayo waxay gaareen kadib markii ay halkaasi isaga baxeen Maxkamadihii Islaamka oo muddo 6 bilood ah ka talinayay deegaano ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).