15 C
London
Monday, October 13, 2025

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo Madaafiic lagu weeraray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, January 24, 2007(HOL): Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa saakay lagu tuuray seddex madfac oo ka dhaceysay qoriga Hoobiyaha loo yaqaan, iyadoo madaafiicdaas oo qaarkood ku dhaceen gudaha garoonkana ay sababeen dhaawaca afar ruux.

 

Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Maxamed Axmed Siyaad ayaa sheegay in saakay abaarihii 11:30kii barqanimo garoonka lagu tuuray seddex madfac oo mid uu ku dhacay gudaha garoonka, halka mid kalena uu ka gudbay, isla markaana uu Badda ku dhacay.

 

Xiliga madaafiicda lala beegsanayay Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa gudaha garoonka ku sugneyd diyaarad waday wafdi ka socda UN-ka oo Muqdisho indho indheyn u tegay iyo diyaarad kale oo iyadana waday Wafdi ka socday Dalka Norway, lamana sheegin wax khasaaraha ah oo gaaray diyaaradaha wafdigaas waday.

 

Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay dib u howlgeliyeen Maxkamadihii Islaamka ayaa ammaankiisa waxaa suga ciidamo ka amar qaata dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwo Itoobiyaan ah oo gacan siinaya, waxaana la sheegayaa in falkii madaafiicda lagula tuuray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho loo xir xiray dhowr qofood.

 

Maalmihii ugu dambeeyay ee ay Maxkamadaha Islaamka ka talinayeen Magaalada Muqdisho ayaa diyaarad Miig ah oo la sheegay in ay  leedahay dowladda Itoobiya waxay duqeysay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo sababta ay diyaaraddaas u duqeysay garoonkana lagu sheegay  in ay isticmaalayeen Maxkamadihii Islaamka oo dagaal kula jiray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah oo gacan siinayay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).