15 C
London
Monday, October 13, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka codsatay Dowladda Kenya in lagu soo wareejiyo Guddoomiyihii Maxkamadaha Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, January 24, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsatay Dowladda Kenya in ay u soo gacan geliso Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadihii Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Booliska Kenya ay hayaan, waxaana codsigaas jeediyay Ra’iisal Wasaare Geedi oo sheegay in ay doonayaan in Shiikh Shariif iyo hoggaamiyayaashii kale ee maxkamadaha Islaamka kala tirsanaa ay ka qeybqaataan dib u heshiisiinta Soomaaliya.

 

 “Dhamaan Hoggaamiyayaasha Maxkamadihii Islaamka iyo taageerayaashoodaba waxaan rabnaa in ay Muqdisho ku laabtaan kadibna ay ka qeybqaataan dib u heshiisiinta”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geedi.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi oo ka soo laabtay socdaal uu ku tegay dalka Suudaan ayaa wuxuu magaalada Nairobi kulan kula leeyihiin diblumaasiyiin ka tirsan Beesha Caalamka, gaar ahaana kuwo ka socda Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in ay dowladda Federaalka Soomaaliya gacanta ku wada dhigtay dalka Soomaaliya, isla markaana ay shaqeynayaan ciidamadii Booliska oo la geeyay dhamaan saldhigada Booliska, sidoo kalena Duq Magaalo iyo ku xigeeno loo sameeyay Magaalada Muqdisho, iyadoo dhawaana uu xusay in gobollada kale ee dalka maamullo loo sameyn doono. Intaas kadib Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu ka codsaday Beesha Caalamka in ay garab istaagto Dowladda Federaalka, si ay u soo celiso sharcigii iyo kala dambeyntii.

 

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Midowga Yurub ayaa kulan ay ka yeesheen arrimaha Soomaaliya waxay ka soo saareen baaq ay u jeediyeen dowladda Federaalka, kaasi oo ahaa in ay wada hadal la furto qeybaha kale ee Soomaalida oo ay ku jiraan Mas’uuliyiinta Maxkamadihii Islaamka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).