Talaado,
Xafiiska ay safaarad ahaanta u isticmaali doonto Dowladda Yemen oo laga furay agagaarka KM4 ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa fariisan doona oo ku howlgeli doona Safiirka Dowladda Yemen u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Al-Sayid Axmed Xamiid Cumar oo isagu Dowladda Federaalka la soo joogay Magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo oo ay Muqdisho ka hor si
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Caydiid, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde) ayaa waxay ka qeybgaleen xaflad lagu furayay xafiiska safaaradda u noqon doona Dowladda Yemen, waxayna dowladda Yemen ku ammaaneen in ay noqotay dowladdii ugu horeysay oo safaaraddeeda Xamar ka furata tan iyo markii Dowladda Federaalka soo caga dhigatay.
Xuseen Maxamed Caydiid oo hadal kooban ka jeediyay xafladdii lagu furayay Safaaradda Yemen ee Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in dowladda Yemen ay tahay Dowlad Carbeed oo saaxib la ah Dowladda Federaalka, isla markaana tan iyo xiligii burburka ku howlaneyd sidii Soomaaliya cagaheeda isugu taagi lahayd, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay shacabka labada dal yihiin kuwo walaalo ah.
Dhanka kalena Xuseen Maxamed Caydiid waxaa uu sheegay in ay dowladda federaalka ku dadaaleyso sidii ay Magaalada Muqdisho uga dhigi lahayd mid ay soo degi karaan Safaaradaha Dowladaha kale ee cilaaqaadka la leh Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay qorshaha ugu jirto in xiraan suuqyada hubka lagu iibiyo, kadibna ay dadka hubka ka qaadaan, isagoo ganacsatadana ugu baaqay in ay hubkooda Dowladda ugu wareejiyaan sida Hoggaamiyayaashii Muqdisho oo kale.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online