15 C
London
Monday, October 13, 2025

3 ruux oo lagu dilay Deegaanka Suuqa Xoolaha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado,  January 23, 2007(HOL): Deegaanka Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa saakay lagu dilay seddex ruux oo ku sheekeysanayay meel gidaar ah, inkastoo mid ka mid ah seddexda ruux ee geeriyootay markii hore dhaawac ahaan loo qaaday balse uu geeriyooday intii Isbitaalka loo waday.

 

Lama yaqaano sababta loo dilay seddexdaas nin, hayeeshee waxay dadka deegaanka falka ka dhacay ay xaqiijiyeen in ay dilkaasi ka dambeeyeen rag hubeysan oo saarnaa gaari TOYOTO 4 Wheel Drive ah, kaasi oo ay ku baxsadeen markii ay dilka geysteen.

 

Falalka dilalka ayaa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho tan iyo wixii ka dambeeyay markii Muqdisho laga ceyrsaday maamulkii Maxkamadaha Islaamka oo muddo lix bilood ah Muqdisho iyo deegaanadii ay ka talinayeen ka hirgeliyay Nabadgelyo la isku halkeyn karo, mana laga maqli jirin Magaalada Muqdisho intii ay jireen wax rasaas ah, halka haatan ay dadku mararka qaarkood maqlayaan qaraxyo waa weyn iyo rasaas xooggan oo la isku ridayo.

 

Dhanka kalena hal ruux ayaa ku dhaawacmay is-rasaaseyn Ciidmada  Dowladd Federaalka ku dhexmartay agagaarka Xaruntii Keydka Shidaalka ee magaalada Muqdisho, waxayna wararku sheegayaan in ay ciidamadaas isu rasaaseeyeen sabab la xiriirta lacag mushaar ah oo ciidamada qaarkood la siiyay, iyadoo isku dhaca dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalkana uu hakad geliyay isu socodka gaadiidkii u kala gooshi jiray Xamarweyne iyo KM4.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).