15 C
London
Monday, October 13, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan ilaa 21 gaadiidka Dagaalka ah oo Gobolka Hiiraan uga gudbay Dhinaca magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, January 23, 2007(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo guuray  magaalada Dhuusa-mareeb ee gobalka Gal-gaduud ayaa mar kaliya waxaa lagu arkay gudaha gobolka Hiiraan, iyagoo ku sii jeeda dhinaca magaalada Muqdisho.

 

Ciidamadan oo ku hubeysnaa hubka cul culus isla markaana watay ilaa 21 gawaarida dagaalka ah ayaa  markoodii hore waxaa ay u muuqdeen kuwo u jiheystay dhinaca xadka laakiin waxaa ay ka soo gudbeen dhinaca Degmada Matabaan oo ka tirsan gobalka Hiiraan, iyagoo intaas kadibna soo dhaafay  deegaanka Kala-beyr,   waxayna wararku tilmaamayeen in ciidamadani  ay sii dhaafeen dhinaca degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan,  taasoo keentay in loo maleeyo in Ciidamadani ku sii jeedaan dhinaca magaalada Muqdisho.

 

Goob-joogayaal ku sugan degmada Buula-burte oo sheegay in ciidamadu gudbeen ayaa waxaa kaloo ay intaas ku dareen in markii ay Ciidamadu soo gaareen gudaha degmada ay wax xoogaa saacado ah ay ku hakadeen, kadibna ay ka sii tallaabeen.

 

Sidoo kale  qeybo ka mid ah gobolka oo ay ciidamadaasi sii mareen ayaa dadka ku sugan qaarkood waxaa ay sheegeen in mar marka qaar ay joogsanayeen si markaas ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa ka jira hadba goobta markaas ay marayeen,  inkastoo hadana aysan jirin wax dhibaato ah oo ay la kulmeen.

 

Ciidamadan ka soo guuray degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Gal-gaduud ayaan la ogeyn sababta ay u tiigsanayaan dhinaca magaalada Muqdisho, maadaama inta badan ciidamadii horay uga guuray  gobollada dhexe ay tageen dhinaca xadka,  laakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya in markii horaba guuritaanka ciidamada degmada Dhuusa-mareeb laga yaabo in uu ahaa Qorshe ku talagal ah oo ka duwan qaabkii ay gobalada dhexe uga baxeen kuwii iyaga ka horeeyay.

 

Ciidamada Dowladda itobobiya oo u muuqda kuwo hada ku sii yaraanaya gobalada ayaa la oran karaa waxaa ay xooga saarayeen magaalada caasimada ah ee Muqdisho  wali marka la eego dhinaca nabad-galyada u baahan in wax badan laga qabto, waxaana xusid mudan in ciidamada ku sugan magaalada muqdisho ee Itoobiyaanka ah mar marka qaar inta ay ku guda jiraan howlahooda la xiriira sugida nabad-galyada ay kala kulmaan weeraro kooxo la oran karo danta ay leeyihiin waa ugu yaraan in ay qal-qal galiyaan nabad-galyada caasimada  iyagoo mar marsiiyo ka dhiganaya in ay ka soo horjeedaan joogitaanka Ciidamada Itoobiya, waxaana mar walba dhibaatada ay geystaan kooxaasi  khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh kala kulma dadka rayidka ah.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).