Talaado, January 23, 2007(HOL): Waxaa xal ka gaaristooda lagu howlan yahay xiisado colaadeed oo dhawaan ka oogmay Tuulada Biyo Cadde ee Gobolka Shabelaha Dhexe, halkaasi oo beelo ku dagaalamay ay isaga dileen ilaa 11 ruux.
Imaam Maxamuud Imaam Cumar iyo Odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda labada beelood ee colaadda dhexmartay ayaa haatan waxay ku howlan yihiin sidii ay xiisaddaas colaadeed ay u soo af-jari lahaayeen, waxayna ilaa iyo haayan ku guuleysteen Imaamka iyo Odayaasha la socda inay heshiis hordhac ah kala dhex dhigaan labada beelood, kaasi oo ay qodobadiisa ka mid yihiin in beeshii colaadda bilowday la ganaaxo 30 Milyan Sh. So ah iyo in hubkii dagaalka lagu kala qabsaday la isu celiyo, iyadoo wixii hanti ahaa ee dagaalka labada beelood ku bur burayna la iska cafiyo, waa sida uu Imaamka soo jeediyay.
Dhanka kalena Deegaanka Beer Xaani ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa iyadana waxaa lagu maareynayaa xiisad colaadeed oo dhexmartay labo beelood oo halkaas wada degan, kuwaasi oo iyana dad iska dilay.
Suldaan Rashiid Dhurre iyo Suldaan Maxamed Bashiir Madoobe iyo Odayaal dhaqameedyo la socda oo labada beelood ka soo kala jeeda ayaa colaaddaas joojinteeda ku baxay, iyadoo ay xusidan mudan tahay in ay Hay’adda Cilmi Baarista iyo Wada Tashiga CRD ay fududeyneyso wada hadallada lagu dhameynayo xiisaddaas colaadeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraann Online