Isniin,
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa gebigoodba waxay yihiin dad rayid ah oo ku dhaawacmay rasaastii ay ridayeen Ciidamada Itoobiyaanka, waana markii labaad oo ay halkaasi ka dhacdo is-rasaaseyn ay dad ku dhintaan, kuwo kalena ay ku dhaawacmaan.
Kooxaha Hubeysan ee weerarrada gaadmada ah ku qaada Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxay mas’uul ka yihiin dhibaatada soo gaareysa dad rayidka ah ee jihaadka kula jira sidii ay u heli lahaayeen nolol maalmeedkooda waayo iyagoo is-qarinaya ayay intey soo dhexgalaan dadka waxay ka dhex tuuraan rasaas ay ku ridayaan ciidamada Itoobiyaanka oo hub culus ku hubeysan, kadibna wey isaga cararaan, iyadoo markaasina jawaabta ay bixinayaan Ciidamada Itoobiyaanka ay noqoto mid ay wax ku noqonayaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan amaba xitaa aan la soconin weerarrada lagu qaadayo Ciidamada Itoobiyaanka.
Dhanka kalena waxaa maanta ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha iyo weliba qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha Dibadbax ay sameeyeen Dad ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, waxayna dadkani oo taayarro gubayay, isla markaana gaadiidka dhagxeynayay ay dalbanayeen in ay Ciidamada Itoobiyaanka isaga baxaan dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online