16 C
London
Monday, October 13, 2025

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo la sheegay in Hotel ku yaala Nairobi lagu ilaalinayo kadib markii uu iska dhiibay Xadka Kenya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, January 22, 2007(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Axmed ayaa la sheegay in Hotel ku yaala Magaalada Nairobi ay ku ilaalinayaan Ciidamo Mareykan iyo Kenyan isugu jira.

 

Wakaaladda Wararka AP ayaa shaacisay in uu Shiikh Shariif Shiikh Axmed isu dhiibay Saraakiil Mareykan iyo Kenyan isugu jira kadib markii uu in muddo ah ku sugnaa xadka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

 

Afhayeenad u hadashay Safaaradda Mareykanka ee Nairobi oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa sheegtay in aysan dooneynin in ay haatan faallo ka bixiso arrinta Shiikh Shariif Shiikh Axmed, sidoo kalena waxaa in ay faah faahin bixiyaan ka gaabsaday Saraakiisha Ciidamada Kenya.

 

Sida ku cad warkan ay baahisay AP Shiikh Shariif ayaa markii uu isu dhiibayay Saraakiisha Mareykanka iyo Kenyanka isugu jira waxaa uu u baqay naftiisa, kadib markii ay sii xoogeysteen howlgallo lagu ugaarsanayo rag ka tirsanaa Maamulka Maxkamadihii Islaamka ee uu madaxdiisa ka mid ahaa.

 

Mareykanka ayaa wuxuu aaminsan yahay in Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu yahay Nin qunyar socod ah oo u qalma in ay wada hadal la gasho dowladda Federaalka, sidoo kalena muhiim u ah Dib u heshiisiinta Soomaaliya, waxaana sidaasi dhawaan shaaca ka qaaday Safiirka Mareykanka u fadhiya Magaalada Nairobi Mr. Michael Ranneberger

 

Shiikh Shariif ayaa haddii uu ogolaado in uu wada hadallo la galo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay tahay tallaabo weyn oo loo qaaday dhinaca ka hortegidda kacdoon ay sameeyaan  taageerayaashii Maxkamadaha Islaamka, iyadoo ay xusid mudan tahay in markii ay Maxkamadaha Islaamka ka tegayeen deegaanadii ay ka talinayeen ay sheegeen in aan laga adkaan balse ay  bedeleen xeeladdoodii dagaalka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).