Isniin, January 22, 2007(HOL): Maxkamada sare ee gobalka Hiiraan ayaa dil ku xukuntay mid ka mid ah ciidamada dowlada federaalka oo dabayaaqadii bishii ina dhaaftay si bareer ah u dilay Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray C/fitaax Daahir Raage.
Shiikh Xuseen Barre Max’ed oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee gobalka Hiiraan ayaa sheegay in xukunka dilka ah loo cuskaday kitaabka Quraanka Kariimka ah kadib markii ayuu yiri sidaas ay codsadeen Reerka uu ka soo jeeday marxuumka geeriyooday, oo sida uu gudoomiyuhu sheegay ka dalbaday maxkamadda in ay ku qanacsan yihiin in loo dilo gacan ku dhiig laha..
Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka iyo saraakiisha Ciidamada oo goob joog ka ahaa maxkamadda xiligii lagu ridayay xukunka gacan ku dhiigle Cabdi Sabriye Barre ayaa qaarkood oo ay la hadashay HOL waxaa ay sheegeen in xukunka dhacay uu yahay mid sax ah maadaama ayay yiraaheen ay sidaas ay dalbadeen Qoyska marxuumka, iyagoo intaana ku daray in mar walba loo baahan yahay in la raaco sida shareecadu tahay.
Tallaabada ay qaaday maxkamadda sare ee gobalka Hiiraan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo lagu qaado mid ka mid ah ciidamada dowlada federaalka, waxaana sidoo kale tallaabadani ay tahay mid daaha ka rogtay in maxkamadda gobalku si toos ah shaqadeedii u bilaawday, iyadoo la filayo in gacan ku dhiiglaha la xukumay dilka lagu fuliyo mudo 30 cisho gudahood ah.
Dadka ku dhaqan gobalka, gaar ahaan xarunta magaalada B/weyn ayaa si weyn u soo dhaweeyay xukunka lagu riday Cabadi Sarbiye Barre oo ay ku tilmaameen mid muujineysa cadaaladda maxkamadda iyo waliba in arin la soo dhaweeyo ay tahay in sida shareecadu qabto lagu dhaqo Askari ka tirsan dowladda oo si qalad ah u dilay Qof Rayid ah.
Maxkamaddii ku dhaqanka shareecada islaamka ee ka jirtay gobolka Hiiraan ayaan wax xukun ku ridin gacan ku dhiiglayaal ku jiray xabsiga intii ay maamulka heysay, taasoo dad badani ay u arkayeen arin aan wanaagasaneyn, waxaana xusid mudan in xukunadii ay fulin jirtay ay ahaayeen oo kaliya Tacsiir, iyadoo tallaabada hadda ay qaaday maxkamadda sare ay tahay tallaabo wax badan ka badali karta niyadda shacabka oo markii hore u arkayay in qofka ka tirsan ciidamada hadii uu qalad galo ay adag tahay in la ciqaabo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online