16 C
London
Monday, October 13, 2025

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo sheegay in ay Saldhigyada Booliska Magaalada Muqdisho ay howlgeliyeen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, January 22, 2007(HOL): Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir G/lle sare Cali Saciid Shiikh Xasan ayaa sheegay in ay ciidamo Boolis ah geeyeen qaar ka mid ah Saldhigyada degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo haatanna howlgalladooda bilaabay.

 

Degmooyinka Wadajir, Hodan Howl-wadaag,Wardhiigley iyo C/Casiis ayuu sheegay Taliyaha in ay Ciidamo Boolis ah geeyeen, si ay u sugaan ammaanka Xaafadaha Degmooyinkaas, isla markaana ay uga hortagaan cid kasta oo qal qal gelineysa Nabadgelyadooda.

 

G/lle sare Cali Saciid waxaa uu ka codsaday dadka ku dhaqan gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa degan degmooyinka ciidamada la geeyay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Booliska, isla markaana ay u soo sheegaan haddii ay arkaan dad gacmaha kula jira falal nabadgelyo darro keeni kara.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xukun xaalad deg deg ah ku soo rogtay dalka Soomaaliya muddo seddex bilood ah ayaan ilaa iyo haatan xukunkaas dhaqangelin, tiiyoo ay soo badanayaan falal nabadgelyo darro ah oo qaarkood kooxo burcad ah ay ku waxyeeleynayaan dadka rayidka ah, halka dad kalena ay fulinayaan falal nabadgelyo darro ah oo ay dano gaar ah ka leeyihiin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).