16 C
London
Monday, October 13, 2025

Ibraahim Kiish Buur oo noqday Xildhibaankii ugu horeeyay oo isu soo taagay qabashada Xilka Guddoomiyenimada Baarlamaanka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, January 22, 2007(HOL): Iyadoo Guddi loo magacaabay qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu shalay soo qadimay shuruudaha laga doonayo Xildhibaanka ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ee  doonaya in uu qabto xilka Guddoomiyenimada Baarlamaanka ayaa Xildhibaankii ugu horeeyay ee xilkaas isu soo taagay, isla markaana arjigiisa codsigiisa soo gudubsaday waxaa uu noqday Xildhibaan Ibraahim Aadan Xasan Kiish Buur.

 

Guddiga qaban qaabada doorasahda Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa shalay wuxuu soo gudbiyay shuruudaha laga doonaya musharixiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana Xildhibaanada doonaya in ay jagadaas qabtaan lagu xiray shuruud ah in ay soo gudbiyaan Arji ay ku codsanayaan ka mid noqoshada musharixiinta, labo sawir iyo in ay iska casilaan haddii ay hayaan xilal Xukuumadeed ama Baarlamaan, matalan haddii uu xildhibaanku Wasiir yahay iyo haddii uu madax ka yahay Guddiyada Baarlamaanka in uu xilkaas iska casilo.

 

Qabashada Araajida musharixiinta oo bilaabatay 20-kii bishan ayaa waxay ku egtahay 27-ka bishan, iyadoo kadibna la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka waa sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorasahda Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Daahir Xaaji Khaliif.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xikii Guddoomiyenimada Baarlamaanka waxay ka qaadeen Shariif Xasan Shiikh Aadan kadib markii lagu eedeeyay in uu hareer maray Axdiga u degsan Dowladda Federaalka, isla markaana uu ka dhego adeygay dhowr jeer oo loogu yeeray in uu dhaqsi ku tago fariisinka KMG ah ee Baarlamaanka oo ah magaalada Baydhabo, iyadoo ay xusid mudan tahay in xiligaasina uu Shariif Xasan Shiikh Aadan ku guda jiray heshiisyo dib u heshiisiineed oo uu la saxiixanayay Maxkamadihii Islaamka ee ay eryeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ee la socda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).