Axad, January 21, 2007(HOL): Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Magaalada Nairobi Mr. Michael Ranneburger ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay wada hadallo la furto dadka qunyar socodka ah ee ku jira maxkamadihii Islaamka ee awooddoodii la wiiqay.
Safiirka waxaa kale oo uu sheegay in Dowladda Federaalka ay u baahan tahay in ay la hadasho cid kasta oo Bulshada ka tirsan, si dowladdu ay u noqoto mid xal iyo wada hadal wax ku raadisa, halkii ay awood isticmaali lahayd.
Hadalka Safiirka Mareykanka u fadhiya Magaalada Nairobi ayaa yimid kadib markii Dowladda Federaalka oo garabsaneysa Ciidamado Itoobiyaan ah ay tagtay Caasimadda Soomaaliya, isla markaana ay dadka Muqdisho ku dhaqan qaarkood ay ka soo horjeesteen Ciidamada Itoobiyaanka, tiiyoo ay sii dheer tahay in weerarro gaadmo ah lagu qaado fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka iyo weliba xarumo ay ku jiraan mas’uuliyiinta dowladda oo ay ugu dambeysay Xarunta Villa Somalia oo fariisin u ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Dowladda Mareykanka oo baaqan jeedineysa ayaa lagu eedeynayaa in ay deegaano ka tirsan Koofurta Soomaaliya ay diyaaradaheeda dagaalka ay ku duqeeyeen dad rayid ah, iyagoo sheegaya in ay ceyrsanayaan seddex nin oo ka dambeeyay qaraxyo loo geystay Safaarado uu Mareykanka ku lahaa Dalalka
Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in aaney furneyn waddo wada hadallo lagula yeelan karo Maxkamadihii Islaamka, wuxuuna madaxweyne Yuusuf sheegay in ay Mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka kala direen Ururkoodii, halka uu Ra’iisal Wasaare Geedi-na ka sheegay in ay riyo tahay in wada hadallo lala galo Maxkamadihii Islaamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online