Sabti, January 20, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta u amba baxay Magaalada
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo saxaafadda uga warbixinayay socdaalka Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa sheegay in uu Ra’iisal Wasaaraha ku tegayo dalka Suudaan casuumaad uu ka helay Madaxweyne ku xigeenka dalkaas.
Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada
C/raxmaan Diinaari waxaa uu beeniyay warar ku saabsan in Ra’iisal Wasaaraha uu Magaalada Khartoum kulan kula yeelan doono mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadihii Islaamka oo la sheegay in ay joogaan Dalka Yemen, wuxuuna carrabka ku dhuftay Diinaari in aysan wararkaasi waxba ka jirin, Ra’iisal wasaaruhuna uu kaliya la kulmi doono madaxda Dalka Suudaan.
Dowladda Suudaan ayaa ilaa seddex jeer waxaa ay kulamo u qabatay Maxkamadihii Islaamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay xal uga gaaraan khilaaf u dhaxeeyay, inkastoo wada hadalladaasi ay socon waayeen kadib markii ay labada dhinac shuruudo ad-adag isku xireen.
Ugu dambeyntiina Ra’iisal Wasaare Geedi oo haatan ku sii jeeda Magaalada
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online