Sabti, January 20, 2007(HOL): Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo ka mid ahaa Hoggaamiye kooxeedyadii ay Maxkamadaha Islaamka ka ceyrsadeen deegaanadii ay ka talinayeen bartamihii sanadkii hore, balse dib ugu soo laabtay Magaalada Jowhar oo uu muddo 5 sano ah ka talinayay markii uu caawinaad ka helay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah oo la socday ayaa la sheegayaa in uu saacadaha soo socdo wareejin doono Hubkiisa.
Qaban qaabo ku saabsan wareejinta hubkiisa ayaa haatan waxay ka socotaa Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo Dad ku dhow dhow Maxamed Dheere ay sheegeen in ay Magaalada Jowhar ku sii jeedaan si ay hubkaas ula wareegaan Abaanduulaha Ciidamada Dowladda Federaalka Jen. Ismaaciil Qaasim Naaji iyo Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle.
Maxamed Dheere oo la sheegay in uu wareejin doono ilaa 23 gaari oo kuwa dagaalka ah iyo Maleeshiyooyin kor u dhaafaya 200 oo nin ayaa haddii uu hubkiisa ku wareejiyo Dowlada Federaalka waxaa uu noqonayaa Hoggaamiye kooxeedkii shanaad oo hubkiisa ku wareejiya Dowladda Federaalka, waxaana horay hubkooda ugu wareejiyay dowladda Federalka Hoggaamiyayaal dowladda ku jira oo ay ka mid yihiin Maxamed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow, Xuseen Maxamed Caydiid iyo Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish).
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marka ay dhameyso hub ka dhigista ay ku sameyneyso Hoggaamiye kooxeedyadii hore waxaa ay markooda hubka ka dhigi doontaa Ganacsatada iyo Hay’adaha iyadoo kadibna ay ku xigi doonaan Shacabka, kuwooda guryaha hubka ku heysta, sidaasina waxaa sheegay Abaanduulaha Ciidamada dowladda Federaalka Jen. Ismaaciil Qaasim Naaji.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online