Sabti, January 20, 2007(HOL): Guddi 15 xubnood ka kooban oo soo diyaarin doona doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta looga dhawaaqay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo fariisin KMG ah u ah Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddigan oo uu Guddoomiye u yahay Xildhibaan Daahir Xaaji Khaliif ayaa waxaa magacaabay Guddoonka Baarlamaanka oo uu ka socday Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre iyo Guddoomiyayaasha Guddiyada Baarlamaanka oo saakay kulan ku yeeshay Magaalada Baydhabo.
Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa sheegay in maanta oo ay taariikhdu tahay 20/01/2007 ilaa 27/01/2007 ay socon doonto qabashada araajida Xildhibaanada doonaya in ay qabtaan xilka Guddoomiyenimada Baarlamaanka, iyadoo doorashada guddoomiyaha Baarlamaankana la qaban doono 29-ka ilaa 30-ka bishan.
Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh waxay xilkii uu hayay uga qaadeen Guddoomiyihii Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, inkastoo Shariif Xasan uu si weyn uga soo horjeestay xil ka qaadista lagu sameeyay oo uu ku tilmaamay mid aan loo soo marin qaabkii sharciga ahaa, isagoo Xildhibaanada xilka ka qaadayna ku sheegay kuwo aan xor ahayn oo la heysto.
Guddoomiyihii baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo socdaallo ku kala bixinaya Dalal ka tirsan Qaaradda Yurub ayaa xil ka qaadistiisa loo cuskaday in uu hareer maray Axdiga u degsan Dowladda Federaalka, isla markaana uu xiriir la sameeyay Maxkamadihii Islaamka oo ay dowladda Federaalka iska soo horjeedeen iyo isagoo diiday in uu tago Magaalada Baydhabo oo dhowr jeer looga yeeray, si uu u sii wado howshii uu Baarlamaanka u hayay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online