15.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa Gobollada dhexe ee Dalka Soomaaliya oo bilaabay in ay dib uga laabtaan halkaas

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, January 20, 2007(HOL): Kadib  Markii qeybo ka mid ah gobollada dhexe ay soo galeen Ciidamada Dowlada federaalka iyo waliba kuwa xukuumada Itoobiya awoodiina lagala wareegay Maleeshiyadii Maxkamadaha Islaamka,  ayaa hada waxaa muuqaneysa in ciidamadii Itoobiya ee ku suganaa Gobalada dhaxe ay dib uga baxayaan goobihii ay ku sugnaayeen.

 

Wararka ka soo baxaya Gobolka Gal-gaduud ayaa sheegaya in Deegaanka Guri-ceel oo ka mid ah goobaha ay sida weyn u degeen ciidamada Itoobiya hadda intoodii badneyd ay kawada baxeen iyagoo dib  ugu laabanaya dhinaca Xuduuda, waxaana wararku ay intaas ku darayaan in markii ay baneeyeen ciidamadu goobihii ay fadhiyeen ay soo if-baxeen kooxo doonaya in ay qal-qal ku abuuraan nabad-galyada  laakiin ay si weyn isha ugu hayaan ciidamada Dowlada Federaalka ee halkaas ku sugan.

 

Wariye Jooga Degamada Gure-ceel  ayaa u sheegay HOL in waqtigan la oran karo waxa ku sii harsan degamada  ay yihiin wax aan sidaa u sii  bad-neyn lagana yaabo in xitaa iyaguna ay dib u laabtaan, wariyuhu waxaa uu intaas ku daray in loo maleynayo  sababta dib u laabashada keentay in ay tahay iyada oo aysan muuqan khatar badan oo ka jirta  deegaanada ay ka baxayaan ciidamada.

 

Sidoo kale Degmada Matabaan oo ka Tirsan Gobolka Hiiraan ayaa wararka ka soo baxaya waxaa ay sheegayaan in  ay ka baxeen ciidamo kooban oo Itoobiyaan ah oo halkaas deganaa, kuwaasi oo u sii dhaqaaqay dhinaca Xadka, waxaana warku intaas ku darayaa in degamada Matabaan Maamulkeedu yahay mid si weyn  ilaalo uga haya wax kasta oo keeni kara in nabad-galyadu qal-qal gasho.

 

Gobalka Hiiraan  gaar ahaan Magaalada B/weyn  oo markii horeba aysan soo galin ciidamo tiro badan ayaa waxaa xusid mudan in ay dib uga laabteen wax xoogaa ciidamo ah oo dagenaa goob ka baxsan garoonka diyaaradaha oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada dowlada fedaraalka iyo waliba ciidamadii horay gacanta ugu hayay, laakiin Degmada Dhuusa-mareeb oo ka tirsan gobolka Gal-gaduud ayaa wararka ka soo baxaya waxaa ay sheegayaan in wali ay joogaan ciidamada Dowladda Itoobiya.

 

 

Si kastaba arintu ha ahaatee marka aad eegto dib u laabashadan ciidamadu ay sameynayaan ayaan  la oran karin waa mid meesha ka saareysa ka warqabka Amaanka goobaha ay ka baxeen  maadama  marka aad Xuduuda eegto aysan waxba u jirin deegaanada ay baneeyeen, waxaa iyana jirta in waliba Gobollada ay ka baxeen qaarkood ay ku harsan yihiin saraakiil sida la sheegay farsamo ahaanta u caawinayay kuwa Dowlada Fedaraalka,  taasoo meesha ka saareysan khatar soo muuqan karta.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).