15.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Dowladda Federaalka oo ka warbixisay Weerar xalay lagu qaaday Xarunta Villa Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, January 20, 2007(HOL): Habeenkii xalay ahaa waxaa weerar culus lagu qaaday Xarunta Villa Somalia oo uu haatan ku sugan yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, iyadoo kooxaha hubeysan ee weerarka geystay ay ku tuureen gudaha Xarunta Madaxtooyada Rasaas ka dhaceysay Qoriga B10-ka.

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay markii uu weerarkaas dhacay, kuwaasi oo qaarkood ay sheegayeen in Hoobiyayaal lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada, isla markaana dhowr jiho weerarka looga soo qaaday, hayeeshee afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa sheegay in aaney Hoobiyayaal ahayn waxa lagu tuuray Xarunta Madaxtooyada balse ay ahaayeen  rasaas ka dhaceysay Qoriga B10-ka, taasi oo ku dhacday derbi aaney cid u dhaweyn.

 

C/raxmaan Diinaari waxaa uu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid ka mid ah kuwo habeenno sii horeeyay magaalada Muqdisho ka dhacayay, isla markaana looga dan lahaa in qal qal lagu geliyo nabadgelyada Magaalada Muqdisho, wuxuuna carrabka ku dhuftay in kooxo maleeshiyooyin ah oo ka dambeeyay qaraxyo horay Muqdisho uga dhacay la soo qab qabtay.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa horay u sheegay in qaraxyada habeennadii ka dhaca magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo ay ka dambeeyaan wax uu ugu yeeray haraagii Maxkamadaha Islaamka oo doonaya in ay ammaanka qal-qal geliyaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).