13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Madaxweynaha Eretereya oo sheegay in ay fashilmi doonaan haddii Ciidamo ka socda Midowga Afrika loo diro Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, January 19, 2007(HOL): Madaxweynaha Eretereya Isaias Afewerki ayaa sheegay in haddii ciidamo ka socda Midowga Afrika loo diro Soomaaliya uu howlgalka ay sameeyaan noqon doono mid guul darro khasaare wadata ku dhamaada, isagoo sheegay in aaney ciidamadaas waxba ku soo kordhin doonin Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Eretereya waxaa uu sheegay in Maxkamadihii Islaamka ee ka talinayay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya aysan uga bixin deegaanadii ay ka talinayeen awood darro la soo deristay, isagoo caddeeyay in ay wararkaasi sameeyeen wax uu ugu yeeray kuwa farageliyay Soomaaliya oo iyana uu sheegay in ay ay lugaha la galeen dhiiqo aaney ka bixi karin , isla markaana ay  khasaare la kulmi doonaan

 

Isaias Afewerki oo u waramayay Taleefashinka Al-Jazeera ayaa  beeniyay in Dowladdiisa ay taageero mileteri iyo mid ciidan siisay Maxkamadihii Islaamka , iyadoo beenintiisaasna ay ku soo beegmeyso xili ay isa soo tarayaan warar sheegaya in Xukuumadda Eretereya ay taageeri jirtay Maxkamadihii Islaamka.

 

Hadalkan uu sii daayay Madaxweynaha Eretereya Mr. Isaias Afewerki ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo maanta uu Midowga Afrika kulan arrimaha Soomaaliya looga hadlayo  uu ku leeyahay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo kulankaasina ay ka qeybgelayaan Saraakiil dhinaca Howlgallada u qaabilsan Midowga Afrika oo dhawaan booqday magaalada Muqdisho, isla markaana kulamo la qaatay Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka.

 

Kulankan oo sidoo kale uu ka qeybgelayo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Francois Lonseny Fall ayaa waxaa loo hadlayaa sidii ciidamo ka socda Midowga Afrika dhaqsi loogu geyn lahaa dalka Soomaaliya ka hor inta aysan Soomaaliya ka bixin Ciidamo Itoobiyaan ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya gacan ku siiyay in ay iska tirto magacii loogu yeeri jiray ee ahaa Dowladda Taagta daran ee Baydhabo fadhida.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).