Khamiis, January 18, 2007(HOL): Xafladdan ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka socday labada gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo uusan kulankaasi ka qeybgelin Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed oo magaalada Baydhabo ku sugan.
Xafladdan ayaa xubnihii ka qeybgalay oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Ismaaciil Buubaa, Wasiirka Kalluumeysiga Xasan Abshir Faarax, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre iyo xubno kale ayaa waxaa lagu maamuusayay xil ka qaadista guddoomiyihii Baarlamaanka, iyadoo xubnihii ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Ismaaciil Buubaa iyo Cusmaan Cilmi Boqorre ay sheegeen in qof kasta oo ku xadgudba Axdiga u degsan Dowladda Federaalka sharciga la marsiin doono, iyagoo sidoo kalena ku amaanay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay si cadaalad ah u guteen waajibaadkooda ku aadan dhowrista shuruucda u degsan Dowladda Federaalka.
Muddo 15 cisho gudahood ah ayaa la filayaa in ay Xildhibaanada Baarlmaanka soo doortaan Guddoomiyahooda cusub, iyadoo inta xiligaas laga gaarayana uu xilka sii heyn doono Cusmaan Cilmi Boqorre oo horay u sii ahaa ku simaha Guddoomiyihii Baarlamaanka ee xilka laga qaaday.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Xasan oo socdaallo ku kala bixinaya dalal ka tirsan Qaaradda Yurub ayaa ka soo horjeestay xil ka qaadista lagu sameeyay, wuxuuna sheegay in ay xil ka qaadistaas ahayd mid aan sharci ahayn bacdamaa sida uu yiri xildhibaanada Baarlamaanka aysan xor ahayn oo la heysto.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online