Khamiis, January 18, 2007(HOL): Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaiya Danjire Francois Lonseny Fall oo maanta gaaray magalaada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo xubno ka socday bulshada rayidka Gobolka Banaadir.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Francois Fall ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaana in la sii wado dib u heshiisiinta iyo sidii deg deg ciidamo nabad ilaaliyayaal ah oo ka socda Midowga Afrika loo geyn lahaa Soomaaliya ka hor inta aysan Ciidamada Itoobiyaanka ka bixin dalka Soomaaliya.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa u sheegay Mr. Fall in ay dowladda Federaalka sii waddo wada hadallo ay si nabadgelyo ah ula yeelaneyso Shacabka Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay in tan iyo markii ay dowladda Federaalka tagtay Magaalada Muqdisho ay wada hadalladaas ku guda jirtay, iyadoo la hadleysay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
Mr. Francois Lonseny Fall ayaa ka hadlay ciidamada Itoobiyaanka ah ee jooga dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aysan suurtagal ahayn in ay ciidamadaas Soomaaliya sii joogaan, isagoo intaas ku daray in si looga hortago dhibaato ay ku lug leeyihiin Ciidamada Itoobiya oo ka dhacda dalka Soomaaliya deg deg loogu soo diri doono Soomaaliya ciidamo nabad ilaaliyayaal ah oo ka socda Midowga Afrika.
Sidoo kalena, wuxuu Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu kulan la qaatay xubno ka socday Bulshada rayidka Gobolka Banaadir, iyadoo kulankaasina uu ka dhacay Hotelka Pradize oo u dhow Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. Xubnaha Bulshada Rayidka ayaa Ergayga u gudbiyay warbixin qoraal ah oo ay ku sheegayaan doorkooda ku aadan xal u helidda dalka Soomaaliya, gaar ahaana xiligan kala guurka ah.
Mr. Fall oo la hadlayay xubnihii Bulshada Rayidka waxaa uu u sheegay in loo baahan yahay in ay Bulshada Rayidka ka shaqeyso sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhuftay in dalka Soomaaliya uu soo maray muddo dheer oo dowlad la’aan iyo fowdo ah, “Caalamka marka Soomaaliya la soo hadal qaado waxaa la xusuustaa Dal ay dagaallo ka dhacaan oo dhiiggu uu daadanayo, School-ladana aan la aadin, taasina waxaa ugu wacan hubka oo dadka shacabka ah gacanta ugu jira”ayuu yiri Mr. Francois Lonseny Fall oo ugu baaqay Waalidiinta Soomaaliyeed in ay ubadkooda u diidaan in ay hubka qaataan oo ay dhibaato ku geystaan ama loogu geysto.
Socdaalka uu Mr. Fall ku tegay Magaalada Muqdisho ayaa ah midkii koowaad tan iyo wixii ka dambeeyay markii la wiiqay awooddii Maxkamadaha Islaamka ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, isagoo intii ay Maxkamadihii Islaamka talada hayeen muddo labo jeer ah booqday magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online