13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Maxamed Qanyare iyo Muuse Suudi oo hubkooda ku wareejiyay Dowladda Federaalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, January 17, 2007(HOL): Maxamed Qanyare Afrax iyo Muuse Suudi Yalaxow oo Xildhibaano ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, horayna u ahaan jiray Hoggaamiye kooxeedyo ayaa maanta waxay hubkooda ku wareejiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Hub wareejinta ay sameeyeen ayaa waxay timid kadib markii ay dabayaaqadii todobaadkii hore ay kulan la qaateen Mas’uuliyiinta sare ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo ay isku af-garteen in ay hubkooda iyo maleeshiyooyinkooda ay ku wareejiyaan dowladda Federaalka.

 

Col. Faarax Cabdulle Garam-garam oo u hadlay Maxamed Qanyare Afrax ayaa sheegay in ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka hub culus iyo mid fudud iyo maleeshiyooyin tiro badan oo ka mid noqon doona ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo isna wareejiyay hubkiisii ayaa sheegay in wixii haatan gacantiisa ku jira oo hub ah uu dowladda ku wareejiyay, wixii kale ee harsan ee beeshiisa iyo baadiyaha ku kala maqanna uu iyana soo wareejin doono, wuxuuna caddeeyay Muuse Suudi in uusan xitaa reeban doonin hub uu isku ilaaliyo ilaa ay dowladda u ogolaato mooyee.

 

Dhanka kalena Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax ayaa maanta ugu baaqay Dowladda itoobiya in aysan ciidamadeeda kala bixin Soomaaliya tan iyo inta dalka Soomaaliya laga keenayo ciidamo ka socda Midowga Afrika, wuxuuna ka digay in haddii Ciidamada Itoobiyaanka ay baxaan ay dalka dib ugu soo laaban doonaan Maxkamadihii Islaamka, isla markaana sida uu hadalka u dhigay ay dhibaatooyin geysan doonaan.

 

Maxamed Qanyare ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday in ay ciidamada Itoobiyaanka dalka Soomaaliya soo galaan balse wuxuu go’aankiisaas bedelay markii ay iska hor yimaadeen Maxkamadihii Islaamka oo ku qasbay in uu isaga tago deegaankiisa Dayniile, isla markaana ay la wareegeen hubkiisii, iyadoo lix bilood kadibna uu fariisinkiisii ku soo laabtay kagadaal markii Maxkamadihii Islaamka laga saaray deegaanadii ay ka talinayeen oo ay ku jirtay Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).