15.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo xilkii laga qaaday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, January 17, 2007(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa maanta laga qaaday xilkii Guddoomiyenimada golaha Baarlamaanka kadib markii mooshin xil ka qaadistiisa ku aadan la hor geeyay Golaha Baarlamaanka.

 

31 Mudane oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka ayaa geysay mooshinka Guddoomiyaha Baarlamaanka xilka looga qaadayo, waxaana in xilka laga qaado Guddoomiyaha Baarlamaanka u codeeyay 183 mudane, waxaana ka aamusay 9 mudane, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay kulankii maanta ay ka qeybgaleen 192 mudane.

 

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa ku dhawaaqay in Guddoomiyaha Baarlamaanka xilka Guddoomiyenimada laga qaaday kadib markii ay Xildhibaanada Baarlamaanka si gacan taag ah ugu codeeyeen, inkastoo ay xildhibaanada markii hore diideen in si qarsoodi ah loogu codeeyo xil ka qaadista Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

Xil ka qaadista Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa loo cuskaday qodobo ku qoran Xeer Hoosaadka Baarlamaanka kuwaasi oo la sheegay in uu guddoomiyaha jebiyay, waxaana ka mid ah qodobada lagu eedeeyay in uu jebiyay in uu muddo labo bilood ka badan uu ka maqnaa fariisinka Baarlamaanka, in uu ka soo horjeestay go’aano uu Baarlamaanka horay u gaaray oo ay ka mid ahaayeen in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, dabadeedna la geeyo ciidamo nabad ilaaliyayaal ah, in uu ka been sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka oo shaqadooda wata, isagoo sheegay in uu Baarlamaanka fasax ku maqan yahay, isla markaana hor istaagay gunno ay Hay’adda UNDP siin jirtay Mudanayaasha Baarlamaanka.

 

Xildhibaanadii ka soo horjeestay in xilka laga qaado Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxay sheegeen in ay dhibkeeda yeelaneyso in xiligan guddoomiyaha Baarlamaanka xilka laga qaado iyadoo dalka uu ku jiro xaalad xasaasi ah oo deg deg ah, iyagoo intaas ku daray in Soomaalida ay ku ordaan wax burburinta, isla markaana ay ka cusleystaan in ay wax dhisaan, waxaana xildhibaanada fikirkaas qabay ka mid ahaa Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade.

 

Haddaba Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo haatan ku sugan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ayaa ka soo horjeestay xil ka qaadista lagu sameeyay, wuxuuna sheegay in ay xil ka qaadistaas ahayd mid sharci darro ah. Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa uu sheegay in aaney xil ka qaadi karin xildhibaano sida uu yiri aan xor ahayn oo la heysto, “Xildhibaanada Baarlamaanka iyagoo xor ah oo aanan la heysanin ayay I doorteen, hadana haddii ay iga qaadayaan iyagoo xor ah waan ogolahay, balse Xildhibaano aan fikirkooda xor u ahayn oo la heysto xil ka qaadis iguma sameyn karaan”ayuu yiri Shariif Xasan Shiikh Aadan oo madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku eedeeyay in uu doonayo in uu wax kasta isaga noqdo, isla markaana uu xilka guddoomiyenimada Baarlamaanka qaato.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).