13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Idaacadihii ay xayiraadda ku soo rogtay Waaxda Nabad-sugidda Dowladda Federaalka oo dib Hawada ugu soo noqday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, January 16, 2007(HOL): Waxaa hawada dib ugu soo noqday oo xayiraaddii laga qaaday Idaacadaha Horn Afrik, Shabeelle iyo Qur’aanka Kariimka oo shalay amar ka soo baxay Waaxda Nabad-Sugidda Dowladda Federaalka lagu xiray, iyadoo sidoo kalena xayiraadda laga qaaday Xafiiska Al-Jazeera ee magaalada Muqdisho.

 

Idaacadahan ayaa hawada dib ugu soo noqday kadib markii ay saakay kulan wada yeesheen mas’uuliyiinta Idaacadahan iyo mas’uuliyiinta Waaxda Nabad-sugidda iyo Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana la isku af-gartay in wasaaradda Warfaafinta iyo Warbaahinta ay ka wada shaqeeyaan sidii loo sameyn lahaa anshax dhaqameed la jaan-qaadaya Xeerarka Caalamiga ah ee Saxaafadda.

 

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa sheegay in mas’uuliyiintii ka socotay Hay’adihii Xayiraadda lagu soo rogay iyo kuwo ka socday Wasaaradda Warfaafinta iyo Waaxda Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay isku af-garteen in laga shaqeeyo adkeynta nabadgelyada, isla markaana laga fogaado wax kasta dhibaato horseedi kara.

 

Ilaa iyo hadda lama sheegin wax shuruud ah oo lagu xiray in Idaacadaha xayiraadda lagu soo rogay ay hawada ku soo noqdaan, marka laga reebo in la isku af-gartay in adkeynta nabadgelyada laga wada shaqeeyo, isla markaana laga fogaado wax lid ku ah anshaxa Saxaafadda.

 

Sababta loo xiray Idaacadahaas ayuu Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ku sheegay in ay la xiriirtay in ay ka shaqeynayeen kicinta dadweynaha, gaar ahaan qaab ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee la socda, sidoo kalena ay sii deynayeen warar lid ku ah Howlaha ay Dowladda Federaalka ka waddo Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).