13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Kenya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay Arrimaha Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, January 16, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaaliga Itoobiya Meles Zenawi ayaa booqasho gaaban ku tegay Magaalada Nairobi, isagoo halkaasina kulamo kula qaatay Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki oo ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan xaaladda Dalka Soomaaliya.

 

Labada Mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen sidii Ciidamo ka socda Midowga Afrika loogu heli lahaa Soomaaliya, iyagoo u mahadceliyay dalal horay u ballanqaaday in ay Soomaaliya Ciidamo geynayaan  iyo kuwo haatan ka fiirsanaya in ay Ciidamo geeyaan.

 

Markii uu dhamaaday kulanka labada mas’uul ayaa war murtiyeed laga soo saaray waxaa lagu sheegay in ay aad u daneynayaan labada dowladood  in la soo af-jaro mushkiladdii Soomaaliya ka taagneyd dhowr iyo tobanka sano, iyadoo ay xusid mudan tahay in labada dal ay Xuduud la leeyihiin dalka Soomaaliya, isla markaana ay saameyn ku yeelaneyso dhibaato kasta oo dalka Soomaaliya la soo derista.

 

Dowladda Itoobiya ayaa Ciidamo tiro badan waxay ka joggaan gudaha Dalka Soomaaliya, iyadoo Ciidamadaasna ay gacan siinayaan Dowladda Federaalka oo lagu tilmaami jiray mid taag daran, sidoo kalena Dowladda Kenya ayaa iyaduna waxay aad uga walaacsan tahay in ay dalkeeda gudaha u galaan Kooxo ka tirsan Maxkamadihii Islaamka iyo Rag la sheego in ay argagixiso yihiin oo ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, sidaas darteedna waxay mas’uuliyiinta labada dal doonayaan in dalka Soomaaliya loo helo Ciidamo ka socda Midowga Afrika oo u saldhiga Nabadda Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).