Talaado, January 16, 2007(HOL): Kumanaan Dadweyne ah ayaa banaanbax ka dhigay Fagaaraha Beerta Xoriyadda Magaalada Hargeysa, iyadoo banaanbaxaasina uu ahaa mid looga soo horjeeday Dowladda Federaalka Soomaaliya,dhanka kalena lagu dalbanayay in
Dibadbaxa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Mas’uuliyiin ka socotay Xisbiyada Mucaaridka Somaliland, wuxuuna madaxweyne ku xigeenka oo la hadlayay dadweynihii isu soo baxay uu sheegay in ay jiraan dad cadaw ku ah madax banaanida iyo gooni isu taagga Somaliland, wuxuuna dadka ugu baaqay in ay u istaagaan sidii ay madax banaanidooda u difaacan lahaayeen.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sheegay in Dalal badan oo horay u midoobay oo qaarkood kuwo Carbeed ay ahaayeen ay dib u kala go’een markii ay dan u arkeen, taasina aysan wax dhib ah lahayn, sidaas darteedna wuxuu ugu baaqay Dadka Somaliland in ay ku mintidaan madax banaanidooda iyo gooni isu taagooda.
“Walaalayaal maanta waa maalin weyn, waa maalintii aan isugu soo baxnay in aan caddeyno waxa aan dooneyno, wax Calan qaatay oo Soomaali ah Somaliland baa ugu horeysay, markaasi kadib waxaynu u ololeynay in Soomaali-weyn la helo, dadaalkaas waxaa naloogu abaal guday in nala xasuuqo, weynu ka dhiidhinay, halgan beynu galnay, waana ka guuleysanay cadawgii”sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Feysal Cali Waraabe.
Ku simaha Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Maxamuud Saalax Nuur Fagare ayaa isna banaanbaxa ka hadlay wuxuuna yiri “Banaanbax waxaan u sameynay si aan u adkeyno madax banaanida iyo jiritaanka Somaliland, dhowr iyo tobanka sano ee aynu madax banaanida heysano, waxaan geed sare iyo geed hoose aan u fuulnay in nala aqoonsado, balse ayaan-darro Caalamku wuu naga masuugay taa, maanta ayaanse ku celineynaa baaqeena ah in nala aqoonsado”.
Banaanbaxa ay dhigeen Dadka Somaliland oo ka wada dhacay Gobollada hoos yimaada maamulka Somaliland oo dhan ayaa markii uu geba-gebada ku dhawaa waxay dhalinyaro careysan oo ku sugnaa Fagaaraha Beerta Xoriyadda Magaalada Hargeysa ku gubeen Calanka Soomaaliya, inkastoo ay gubista Calanka ku sheegeen Mas’uliyiinta Somaliland mid aan horay loo sii qorsheynin oo ay dhalinyarada iska go’aansadeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online