13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

RA’IISAL WASAARE GEEDI:”Maxkamadihii Islaamka waxay sheegeen in ay Salaadda Ciidda ku Tukanayaan Magaalada Baydhabo balse Dowladda Federaalka ayaa Salaadda Ciidda ku Tukatay Magaalada Muqdisho”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, January 16, 2007(HOL): Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo maanta qudbad u jeediyay Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoog ku tagtay Magaalada Muqdisho, “Dowladdu Muqdisho kuma tegin baryo ee awood ayay ku tagtay, Dowladna sideeda waa in laga cabsadaa”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo sheegay in Dowlado Soomaaliya loo soo dhisay ay shaqeyn waayeen kadib markii ay kooxo hubeysan ka hor yimaadeen.

 

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka markii ay tagtay magaalada Muqdisho ay wax badan ka qabatay nabadgelyada kadib markii ay shaqeeyeen guddiyo nabadgelyo oo ay Xukuumadda Federaalka magacawday, “Guddigii aan u magacaabay Ammaanka Qaranka wax badan ayuu qabtay, wuuna ku amaanan yahay howsha uu qabtay”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo intaas ku daray in tan iyo markii ay Muqdisho  tageen ay wada hadallo la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho, si  buu yiri looga talageliyo waxqabadka dowladda ee caasimadda dalka.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka oo howlgallo ka sameeyay Magaalada Muqdisho ay gacanta ku soo dhigeen ilaa 40 nin oo Ajnabi ah, kuwaasi oo uu sheegay in ay la safnaayeen Maxkamadihii Islaamka, wuxuuna dhinaca kale laalay wada hadallo lala yeesho Maxkamadihii Islaamka ee lagala wareegay gacan ku heynta deegaano badan oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, “Hadallada ka soo yeeraya Dalalka Caalamka qaarkood ee ku hadaaqaya in wada hadallo lala yeesho Maxkamadihii Islaamka waa kuwo aan macno ku fadhin oo la iska yiri, waxaana is-weydiin leh halkee joogaan Maxkamadaha wada hadallada lala gelayo”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geedi.

 

“Maxkamadihii Islaamka waxay sheegeen in ay Salaadda Ciidda ku Tukanayaan Magaalada Baydhabo balse Dowladda Federaalka ayaa Salaadda Ciidda ku Tukatay Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geedi oo ka sii hadlayay awoodda ay haatan dowladdiisa u leedahay in ay cagta mariso cid kasta oo ka hor timaada.

 

Waxaa uu ka hadlay Prof. Cali Maxamed Geedi Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee Soomaaliya loo dirayo, wuxuuna sheegay in ciidamadaas dhaqsi loogu diri doono Soomaaliya, isagoo caddeeyay in ay maalmihii tegay booqasho xaqiiqo raadin ah ku joogeen Magaalada Muqdisho Saraakiil dhinaca Mileteriga ah oo ka socday Midowga Afrika, kuwaasi oo qiimeyn ku sameynayay sida Ciidamadaas loo geyn karo Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).