Talaado, January 16, 2007(HOL): Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya deegaanada Ceel-buur iyo Maxaas oo ka kala tirsan Gobalada Gal-gaduud iyo Hiiraan ayaa shegaya in ay jiraan Xiisado coladeed oo wali ka taagan dhulka miyiga ah ee u dhaxeeya labada degmo.
Xiisaddan colaadeed ayaa dhalatay kadib markii kooxo maleeshiyo ah ay ku dileen hal ruux mid kalana ay ku dhawaceen deegaanka Goobo oo ka tirsan dhinaca gobalka Hiiraan, taasoo keentay in labada garab ay isku hub gurtaan.
Lama oga sababta keentay in mar kale colaadani soo cusboonaato maadaama horay loo soo af-jaray khilaafka labada beelood oo bartamihii sanadkii aynu soo dhaafanay lagu soo gabo gabeeyay kulan ay ka qeyb-qaateen in ka badan 300 oo ergo ah oo ay kala hogaaminayeen Ugaasyada labada beelood.
Dad goob joogayaal ah oo ay HOL la xiriirtay ayaa u sheegay in xaaladdu aysan aheyn mid wanaagsan isla markaana haddii aan wax laga qaban keeni karto in mar kale uu dib u soo laabto dagaalkii labada beelood oo ay ku geeriyoodeen dad 100 ruux ku dhaw.
Dhawaan ayaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online