Talaado, January 16, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre oo arintan wax laga weydiiyay ayaa sheegay in uusan la soconin mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha balse haddii la keeno uu yahay mid sharci ah, wuxuuna guddoomiyaha ku eedeeyay in uu muddo dhowr bilood ah ka maqan yahay Magaalada Baydhabo, welibana uu ka dhego adeygay codsiyo loo diray oo ahaa in uu dhaqsi ku soo gaaro Magaalada Baydhabo.
Guddoomiye ku xigeenka oo u waramayay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho wuxuu intaas ku daray in qofka haddii uu ku xadgudbo Axdiga u degsan Dowladda ay sharci tahay in la marsiiyo waxa uu dhigayo Axdiga u degsan dowladda.
Socdaallada uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku kala bixinayo dalal dibadda ah ayuu ka hadlay Cusmaan Cilmi Boqorre, wuxuuna ku sheegay socdaalladaas kuwo u gaar ah oo aanu ku ogeyn Golaha Baarlamaanka. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa socdaalkii ugu dambeeyay waxaa uu ku tegay Magaalada Brussels ee dalka Beljim, halkaasi oo uu kulan kula qaatay Mr. Luis Michel oo Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadannimada, kaasi oo ay ka wada hadleen arrimaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana Ciidamada Itoobiyaanka ah ee galay gudaha Soomaaliya iyo weliba duqeyn ay Diyaaradaha Mareykanka ka geysteen Koofurta Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online