13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Waaxda Nabad-sugidda Dowaldda Federaalka oo xirtay qaar ka mid ah Idaacadaha Magaalada Muqdisho iyo Xafiiska Al-Jazeera

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, January 15, 2007(HOL): Qoraal ka soo baxay Waaxda Nabad-sugidda Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/01/2007aysan shaqeyn karin oo la xiray Idaacadaha kala ah Horn Afrik, Shabeelle iyo Idaacadda Qur’aanka Kariimka iyo weliba Xafiiska Al-Jazeera ee Magaalada Muqdisho.

 

Qoraalka ka soo baxay Waaxda Nabad-sugidda Qaranka Dowladda Federaalka oo aan lagu sheegin sababta Hay’adahaasi Warbaahineed loo hakiyay howlahooda shaqo ayaa loo sheegay mas’uuliyiintooda  in marka uu soo gaaro qoraalka ka soo baxay Waaxdaas ay joojiyaan shaqada ay hayaan, isla markaana ay Xiraan Idaacadahooda, iyadoo Idaacaddii ugu horeysay oo amarkaas u hoggaansantayna ay noqotay Idaacadda Shabeelle oo markii uu qoraalka soo gaaray dadweynihii dhegeysanayay u sheegtay in amar uga yimid dhinaca Dowladda Federaalka dartiis ay hawada uga baxeyso, sidaasna ay dhegeystayaasheeda uga raali noqdaan.

 

Agaasimayaasha Idaacadahaas ayay Waaxda Nabad-sugidda Dowladda Federaalka ugu yeertay maalinta berri ah 10-ka subaxnimo in ay tagaan Xafiiska Waaxdaas oo ku yaala agagaarka Baarkii FIAT ee Magaalada Muqdisho, waxaana qoraalka la gaarsiiyay Idaacadaha Muqdisho qaarkood ku saxiixnaa Taliyaha Waaxdaas G/lle Sare Axmed Cali Xasan.

 

Amarkan wuxuusan saameynin Afar Idaacadood oo kale oo Muqdisho ku yaala, kuwaasi oo kala ah Radio Banaadir, Radio Simba, Radio Codka Nabadda iyo Radio Muqdisho (Codka Shacabka), kuwaasi oo aan la ogeyn waxa ay Dowladda uga reebtay amarka ay ku xirtay Idaacadahaas kale.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).