Isniin,
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu sheegay in maamulka cusub oo loo sameeyay Magaalada Muqdisho looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Dowladda ee sugaya ammaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, si buu yiri ay Dowladda ugu suurtagasho in ay Magaalada Muqdisho soo wada degto, isla markaana ay dadka ku dhaqan ugu aaminaan naftooda iyo maalkooda.
“Magaaladan waa Magaalo madaxdii dalka, Dowladdana waa Dowlad Federaal ah, sidaas darteed ma jiro Guddoomiye Gobol ee waxaa jira Duq Magaalo iyo ku xigeenadiisa”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka hadlayay nooca uu yahay Maamulka uu u magacaabay Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo todobaadkii hore Xarunta Villa Somalia kula hadlayay Odayaal Dhaqameedyo ku booqday ayaa wuxuu u sheegay in Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho ay ka dambeeyaan dad ka haray Maxkamadihii Islaamka, kuwaasi oo uu carrabka ku dhuftay in ay tahay in Magaalada Muqdisho laga saaro.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online