Isniin,
Ra’iisal Wasaare Geedi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in tan iyo markii ay ciidamada Dowladda Federaalka gaareen Magaalada Muqdisho ay amniga wax ka qabteen, gaar ahaan goobaha muhiimka ah sida Dekedda, Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo goobo kale oo halbowle u ah adeegyada bulshada, iyadoo intaasna ay dowladda wada tashiyo la sameyneysay Dadka Muqdisho.
Prof. Cali Maxamed Geedi waxaa uu sheegay in hubka uu yahay midka dhibaatada u horseeday dadka Soomaaliyeed, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in la dhigo, “Dareenka aan qabno waxaa weeye in hubka la dhigo, dalkana dib u dhis iyo horumar loo horseedo”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geedi.
Hadalkan uu sii daayay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo habeenkii xalay ahaa uu Magaalada Muqdisho ka dhacay Dagaal Qaraxyo ku bilowday oo dhexmaray Maleeshiyooyin hubeysnaa iyo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah, kaasi oo ka dhacay Wadada Warshadaha, gaar ahaan naxaawiga Guryihii Ceymiska.
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa markii ay Dowladda Federaalka soo gaartay Magaalada Muqdisho waxaa uu u qabtay dadka Muqdisho in ay muddo seddex cisho ah hubka isaga dhigaan, isla markaana ay geeyaan xerooyin uu u cayimay, hayeeshee taasi ma aysan suurtagelin, waxayna dowladda mar kale sheegtay in ay hub ka dhigista dib u dhigtay ilaa waqti dambe, kadib markii ay sidaas ka codsadeen Oday Dhaqameedyo iyo Xubno ka tirsan Bulshada Rayidka Gobolka Banaadir.
Maalmihii aynu soo dhaafnay ayay Ciidamada Dowladda Federaalka ka wadeen Magaalada Muqdisho howlgallo hub uruurin ah, iyadoo howlgalkii ugu dambeeyayna ay shalay ka fuliyeen Wadada Warshadaha, gaar ahaana deegaanada Ceymiska, Carafaad, Suuqa Xoolaha, Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa, Jamhuuriya iyo Fagax oo ka kala tirsan Degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online