13.1 C
London
Monday, October 13, 2025

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo Wadamada Afrika ka dhaadhicinaya in ay Ciidamo u diraan Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, January 15, 2007(HOL): Wufuud heer Wasiir ah ayay labada dal u kala direen Dalal dhowr ah oo ku yaala Qaaradda Afrika, si ay uga dhaadhiciyaan in ay ciidamo u diraan dalka Soomaaliya oo haatan ku jira marxalad kala guur ah.

 

Wadamada ay booqanayaan Wufuuddan ka kala socota ayaa waxay booqanayaan Dalal horay u sheegay in ay diyaar la yihiin ciidamo ay u diraan Soomaaliya iyo kuwo aan caddeynin mowqifkooda ciidamo u dirista Soomaaliya.

 

Iyadoo ay haddaba dadaalladaas wadaan Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa hadana dalalka Ciidamada laga doonayo waxaa heysato caqabad ah in aan dhaqaalihii ay ku howlgeli lahaayeen ciidamaas aan loo heynin, marka laga reebo inay Mareykanka iyo Midowga Yurub ay ballanqaadeen in ay bixinayaan dhaqaalaha Ciidamadaas ku baxaya.

 

Dowladda Uganda oo horay u sheegtay in ay Ciidamo 1000  ilaa 2000 oo Askari gaaraya u direyso Soomaaliya ayaa waxay u baahan tahay  si Ciidamadaas dirto ogolaasho uu siisyo Baarlamaankeeda oo fariisan doona dhamaadka bishan, walow ay jireen warar beryahan ka soo baxayay dhinaca Uganda oo sheegayay in ay Dowladda Uganda dooneyso in ay Ciidamadeeda u hesho Jaakadaha Xabadaha celiya, Koofiyado bir ah iyo Qalab kale oo Mileteri ah.

 

Dadaalka ay wadaan Dowaldaha Kenya iyo Itoobiya ee ay Wufuuda ugu kala direen dalalka Afrika ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagu helo Ciidamo ka socda Midowga Afrika oo 8000 oo askari, kuwaasi oo lagu bedelayo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntiina Saraakiil ka socota Midowga Afrika oo u qabilsan dhinaca howlgallada ayaa waxay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho iyagoo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka kala arinsanaya sida Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah oo ka socda Midowga Afrika loo geyn lahaa Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay dalka Soomaaliya horay ugu fashilmeen in ay nabad u keenaan Ciidamo ka socday Qaramada Midoobay oo dhowr dal ka koobnaa, kuwaasi oo dalka Soomaaliya isaga baxay kadib markii ay dagaal iskala hor yimaadeen Xoogag uu hoggaaminayay Marxuum Jen. Maxamed Faarax Caydiid oo ka talin jiray Koofurta Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).