13.1 C
London
Monday, October 13, 2025

Qarax iyo Is-rasaaseyn xooggan oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, January 15, 2007(HOL): Qarax xooggan oo laga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa uu ka dhacay Wadada Warshadaha, gaar ahaan nawaaxiga Sarihii Ceymiska ee Degmada Yaaqshiid.

 

Qaraxaasi ayaa la sheegay inay kooxo dabley ah la beegsadeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah oo marayay wadadaas, waxaana qaraxa kadib dhacday is-rasaaseyn xooggan oo dhexmartay Kooxihii Maleeshiyooyinka ahaa iyo ciidamadii Dowladda.

 

Weerarka ay soo qaadeen kooxda Maleeshiyada ah ayaa lagu sheegay mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, bacdamaa aan gacanta lagu dhigin oo ay baxsadeen markii ay qaraxa iyo rasaaseynta geysteen.

 

Xiliga uu qaraxa dhacay oo ahayd xalay 10:30-kii habeennimo oo ay dadkuna guryahooda ku jireen ayaan suurtagal ka dhigeynin in la ogaado khasaaraha ay isu geysteen Kooxdii Weerarka soo qaaday iyo Ciidamadii Dowladda ee wadada marayay, walow la sheegayo inuu nin dhagoole ah oo rayid ah ku geeriyooday is-rasaaseyntaas, kadib markii uu dhexgalay labadii dhinac ee is-rasaaseynayay.

 

Ciidamo aad u tiro badan oo ka amar qaata Dowladda Federaalka ayaa saakay la soo dhoobay halkii uu xalay Qaraxa ka dhacay, kuwaasi oo doonaya in ay baaritaano ka sameeyaan halkii xalay lagu tacshiiradeeyay, sidoo kalena waxaa la hakiyay isticmaalka gaadiidka ee Wadada Warshadaha.

 

Habeennadii aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay qaraxyo is-daba joog ah oo qaar lala beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya halka kuwo kalena lala beegsaday Hotello ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in uu dulqaadkii ka sii dhamaanayo, isla markaana aysan sii eegan karin in habeen kasta uu magaalada Muqdisho qarax ka dhaco, wuxuuna sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan kooxaha ka dambeeya qaraxyada.

 

Dhanka kalena, Koox Maleeshiyo ah oo hubeysan ayaa waxay weerareen Saldhigga Booliska Dayax ee Suuqa Xoolaha, halkaasi oo ay ku dileen qaar ka mid ah Ciidamadii Saldhigga joogay, iyagoo kadibna ka qaatay qori gacmeedyo ay Ciidamadu heysteen.

 

Si Kastaba arrintu ha ahaatee, falkii nabadgelyo darrada ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmayaa iyadoo maalintii Sabtida ahayd ee aynu ka soo gudubnay uu Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay sharci dalka lagu gelinayo xaalad deg deg ah, kaasi oo awood gaar ah siinaya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo iyadoo ay maalintii shalay ahayd Ciidamada Dowladda Federaalka Muqdisho ka fuliyeen howlgal hub uruurin ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).