13.1 C
London
Monday, October 13, 2025

Saraakiil ka socota Midowga Afrika oo kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, January 14, 2007(HOL): Saraakiil ka socota Midowga Afrika oo qaabilsan dhinaca Howlgallada oo magaalada Muqdisho ku sugan ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, iyadoo kulankaasina ay labada dhinac uga wada doodeen sidii Ciidamo ka socda Midowga Afrika loo keeni lahaa dalka Soomaaliya.

 

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa sheegay in saraakiishaas oo seddex xubnood ah ay u kuurgelayaan sida ciidamo ka socda Midowga Afrika loo keeni lahaa dalka Soomaaliya, iyadoo ciidamadaasna ay shaqadooda noqon doonto sugidda nabadgelyada iyo Tababarridda Ciidamada Dowladda.

 

C/raxmaan Diinaari waxaa uu u mahadceliyaya dalalka ku yaboobay in ay ciidamo u dirayaan Soomaaliya, Midowga Afrika oo arrintaas dardargelinteeda ka shaqeynaya iyo weliba Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ballanqaaday in uu bixinayaan dhaqaalaha ku baxaya Ciidamada Nabad ilaaliyayaasha ah ee loo dirayo Soomaaliya.

 

Dalalka Uganda, Nigeria, South Africa iyo Malawi ayuu sheegay C/raxmaan Diinaari in ay ilaa iyo haatan diyaar la yihiin Ciidamo ay u diraan Soomaaliya, wuxuuna dhinaca kale caddeeyay inay dalka Soomaaliya isaga bixi doonaan Ciidamada Itoobiya marka ay Ciidamada ka socda Midowga Afrika gaaraan dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).