Sabti, Janaayo 13, 2007 (HOL): Guddiga Ammaanka Gobolka Banaadir ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa maanta waxay isugu yimaadeen kulan ay isaga dhex doorteen guddi kormeer ku sameeya sida ay tahay xaaladda nabadgelyo ee magaalada Muqdisho.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Bashiir Maxamed Cali ayaa kulankaasi kadib wuxuu u sheegay saxafiyiinta in ay kulankooda isaga dhex doorteen xubno guddi ah oo kormeer ku sameyn doona xaaladda nabadgelyada degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo guddigaasina ay isugu jiraan xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda, Bulshada Rayidka iyo weliba xubno ka socda Ganacsatada Gobolka Banaadir.
Xubnaha Guddiga la magacaabay ayaa waxay booqan doonaan degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay xaqiijinayaan sida ay tahay xaaladdooda ammaan, iyadoo sidoo kalena dadka u sameyn doonaan wacyigelin ku saabsan in ay ka qeybqaataan xasilinta guud ahaan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan tan Magaalada Muqdisho.
Guddiga Ammaanka Gobolka Banaadir oo dabayaaqadii todobaadkii hore kulan la qaatay odayaasha Dhaqanka Gobolka Banaadir ayaa waxay sheegeen in ay maalinta berri ah kulan la qaadan doonaan Culumaa’udiinka ka soo jeeda Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo ay iyagana kala xaajoon doonaan sida ugu sahlan ee nabad loogu soo celin karo dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online