13.3 C
London
Monday, October 13, 2025

Qarax uu hal qof ku dhaawacmay oo xalay Muqdisho ka dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, January 12, 2007(HOL): Hal Askari oo ka mid ah Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa iridka hore ee Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho  ayaa dhaawacmay kadib markii uu firir ka soo gaaray Qarax ka dhashay Bambo halkaas lagu tuuray.

 

Bambada lagu tuuray iridka Hotelka Ambassador oo lagu sheegay in ay ahayd nooca laga rido Qori gacmeedka G3 ayaa waxaa loola dan lahaa in lagu waxyeelo ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ilaalo ka hayay Hotelka Ambassador oo ka soo horjeeda Daarta Tre Piano, kaasi oo ay ku sugan yihiin Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Lama qaban, lama aqoonsan dadkii Bambadaas ku tuuray iridka Hotelka,waxayna ku baxsadeen gaari ay wateen oo ula dhaqaaqay dhinaca Wadada Makka Al-Mukarama. Halkii uu Bamkaas ku qarxay ayaa markiiba waxaa ku soo xoomay Ciidamo tiro badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasi oo ammaanka Hotelka si weyn u sii adkeeyay.

 

Habeennadii aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka jiray qaraxyo lala beegsanayay goobo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya, inkasto aaney ilaa iyo haatan jirin cid ka tirsan labada ciidan oo qaraxyadaas wax ku noqotay.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo wax laga weydiiyay sida ay ka yeelayaan qaraxyada is-daba joogga ah ee Muqdisho ka dhacaya ayaa sheegay inay Dowladda Federaalka u digeyso dadka qaraxyadaas ka dambeeya, kuwaasi oo haddii ay ka waantoobi waayaan uu sheegay in ay dowladda tallaabo ka qaadi doonto.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee Weerarrada lala beegsanayo Ciidamada Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku wada sugan ayaa waxaa geysanaya dad ka soo horjeeda inay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya Dowladda Federaalka ay Muqdisho ka howlgalaan, iyadoo aaney meesha ka marneyn inay weerarradan ku lug leeyihiin rag ka tirsan Maxkamadihii Islaamka ee lagala wareegay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).