13.3 C
London
Monday, October 13, 2025

Xildhibaano ka tirsan Dodwladda Federaalka oo maanta laga masaafuriyay Dalka Kenya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, January 12, 2007(HOL): Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo muddooyinkan ku sugnaa Magaalada Nairobi ayaa maanta waxay isaga baxeen Magaaladaas kadib markii ay dowladda Kenya ku amartay in ay dalkeeda isaga baxaan.

 

Xildhibaanadan oo ku fikir ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan, isla markaana si weyn u mucaaradsan siyaasadaha Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa waxaa la sheegay in ay u kala amba baxeen dalalka Jabuuti, Imaaraadka Carabta iyo weliba dalal ay Xildhibaanada qaarkood Jinsiyado ka heystaan.

 

Dowladda Kenya ayaa amarkan dul dhigtay Xildhibaanada Dowladda Federaalka kadib markii ay Magaalada Nairobi ku qabteen shirar Jaraa’id oo ay ku cambaareynayeen faragelinta Dowladda Itoobiya ee dalka Soomaaliya, iyadoo taasina ay dowladda Kenya ku tilmaantay mid aysan u dulqaadan karin bacdamaa ay Xildhibaanada Soomaalida gudaha dalkeeda ka cambaareyeen Dowlad kale.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Mr. Raphael Tuju ayaa Xildhibaanada Dowladda Federaalka ugu baaqay in ay dhaqsi uga baxaan dalka Kenya, iyadoo inta aysan digniintan soo bixinna xoriyadda laga qaaday qaar ka mid ah Xildhibaanadan oo laga kaxeystay Hotel ay Magaalada Nairobi ka deganaayeen, waxayna Xildhibaanadan ku doodayaan in falalka lagula kacayo ay ka dambeeyaan mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka ee ay ka soo horjeedaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).