13.3 C
London
Monday, October 13, 2025

Is-rasaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, January 12, 2007(HOL): Is-rasaaseyn dhexmartay Maleeshiyooyin la socday Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho iyo Ilaalada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ee ku sugan Xarunta Villa Somalia ayaa waxay sababtay dhimashada ilaa 6 ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan.

 

Sababta keentay isku dhacan ayaa lagu sheegay in ay la xiriirtay iyadoo Maleeshiyooyin la socday Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho ee kala ah Maxamed Qanyare Afrax iyo Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish), ay isku dayeen in ay xoog ku galaan Xarunta Villa Somalia oo xiligaasi uu ka socday kulan dhexmarayay Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, iyadoo taasina ay keentay in ilaaladii Madaxtooyada oo awalba ka shakisnaa Maleeshiyooyinka ay wateen hoggaamiyayaasha ay ka biyo diidaan, dabadeedna ay sidaas ku bilaabatay is-rasaaseynta.

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay isku dhacaas, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in dhimashada ay lix ruux ka badan tahay, halka uu Afhayeenka Xukuumadda Federaalka C/raxmaan Diinaari uu sheegayo in ay isku dhacaas ku dhinteen kaliya 2 ruux.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in marii ay is-rasaaseynta socotay qadar daqiiqado ah laga itaal roonaaday Maleeshiyooyinkii Hoggaamiye Kooxeedyada, isla markaana la qab qabtay, iyadoo taasina ay suurtagashay kadib markii ay ciidamo Itoobiyaan ah garab siiyeen Ciidamada Ilaalada ka ahaa Xarunta Villa Somalia.

 

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo shaqaaqadaas kadib saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu hoogaamiyayaasha uga tacsiyeeyay dhimashada soo gaartay Maleeshiyooyinkooda, isagoo is-rasaaseyntii dhexmartay labada dhinacna ku sheegay mid ku timid qaab shil ah.

 

Isku dhaca dhexmaray Maleeshiyooyinka Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho iyo ilaalada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu dibadda u soo saarayaa sawir ah in aysan Magaalada Muqdisho isla qaadin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo maleeshiyooyinka hoggaamiye Kooxeedyada.

 

Dhanka kalena Kulanka dhexmaray Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka iyo Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho ee kala ah Maxamed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow, Cumar Maxamed Maxmuud (Cumar Filish),Bootaan Ciise Caalin, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cabdi Nuurre Siyaad ayaa waxaa looga dooday sida ay Hoggaamiyayaashan oo qaarkood Xildhibaano ka ah Dowladda Federaalka ay uga qeybqaadan karaan xasilinta dalka, iyadoo dood iyo falanqeyn karibna la isku af-gartay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo sidii loo xasilin lahaa dalka Soomaaliya, isla markaana ay Hoggaamiyayaashii hore ee Muqdisho ay hubkooda iyo Maleeshiyooyinkooda  ugu soo wareejin lahaayeen Dowladda Federaalka, iyadoo soo xareynta hubka iyo maleeshiyooyinkana loo saaray guddi farsamo oo Dowladda iyo Hoggaamiyayaasha Muqdisho kala metelaya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).