13.3 C
London
Monday, October 13, 2025

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo isku raacay in Guddi Xaqiiqo raadin ah loo diro Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, January 11, 2007(HOL):  Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in uu guddi xaqiiqo raadin ah u dirayo Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la sheegay in diyaarado uu Mareykanka leeyahay ay duqeeyeen, isla markaana ay dad rayid ah waxyeello u geysteen.

 

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon ayaa walaac ka muujiyay duqeynta ay diyaaradaha Mareykanka u geysteen deegaano ku yaala Koofurta Soomaaliya, isagoo sheegay in duqeyntaas ay sii kordhineyso dhibaatadii Soomaaliya ka jirtay.

 

Go’aanka uu Golaha Ammaanka Guddiga ugu dirayo Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in ay halkaasi ku sugan yihiin dad rayidka ah oo ka barakacay duqeynta diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen Koofurta Soomaaliya, iyadoo horayna ay u jireen dad kale oo ka qaxay dagaalladii horay u dhexmaray Ciidamada Maxkamadihii Islaamka iyo kuwa Dowladda Federaalka ee kaashanaya Ciidamada Itoobiyaanka ah.

 

Mareykanka ayaa sheegay in sababta ay u duqeeyeen Deegaannada ku yaala Koofurta Soomaaliya ay tahay iyadoo ay halkaasi ku dhuumaaleysanayaan Xubno ka tirsan Ururka Al-Qaacidda oo Mareykanku uu rumeysan yahay in ay la safnaayeen Maxkamadihii Islaamka ee inta badan laga saaray deegaanadii ay ka talinayeen ee Soomaaliya, walow aan ilaa iyo haatan la sheegin in ay wax ku noqdeen duqeyntaas ragga uu Mareykanka doonayo ee uu u heysto in ay ka dambeeyeen qaraxyo 9 sano ka hor loo geystay Safaarado uu ku lahaa Dalalka Kenya iyo Tanzania.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).