13 C
London
Sunday, October 12, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo xalay kulan la qaatay Guddiga Amniga Gobolka Banaadir

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, January 09, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maalintii shalay ahayd soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa xalay wuxuu kulan kula qaatay Villa Somalia xubnaha Guddiga Ammaanka Gobolka Banaadir.

 

Kulankaas waxaa Madaxweynaha ku wehlinayay Ra’iisal Wasaare Geedi, waxayna labada mas’uul kala hadlayeen Guddiga Ammaanka sidii si deg deg ah loogu xasilin lahaa Magaalada Muqdisho, isla markaana looga fulin lahaa qorshaha hub ka dhigista ah ee ay Dowladda Federaalka wadato.

 

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa sheegay in ay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha talooyin u gudbiyeen Guddiga Amniga, kuwaasi oo ku saabsan sida ugu fudud ee ay howshooda ugu najixi karaan, isagoo caddeeyeen in guddiga la faray in uu si  deg deg ah uga soo shaqeeyo qorshe lagu howlgelinayo Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir, si amaanka faraha loogu dhigo.

 

Guddiga Ammaanka Gobolka Banaadir oo uu Guddoomiye u yahay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle ayaa waxaa xubno ka ah Xildhibaano iyo Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo sidoo kalena ay ku jiraan xubno isugu jira Aqoonyahanno, Saraakiil Ciidan, Culumaa’udiin iyo waxgarad.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf oo xalay ku hoyday Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyay ee Dibada lagu soo doortay, kaasi oo fariista Madaxtooyadii Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay meesha ka baxday Dowladdii uu garwadeenka ka ahaa Marxuum Maxamed Siyaad Barre, inkastoo ay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf  ku qaadatay in uu Muqdisho yimaado muddo 2 sano iyo dhowr bilood ah, iyadoo mudadaas labada sano iyo dhowrka bilood ahna uu ku soo kala qaatay magaalooyinka Nairobi, Jowhar iyo Baydhabo

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).