Isniin, January 08, 2007(HOL): Qoraal ay soo saartay Jaaliyadda Reer Hiiraan ee ku nool dalka Norway ayaa lagu hambalyeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii ay soo saartay go’aankii ay cafiska ugu fidisay dadkii ka tirsanaa Maxkamadaha Islaamka, sidoo kalena waxay hambalyo u direen mas’uuliyadda Jaaliyadda Xubnaha Maamulka cusub ee Gobolka Hiiraan iyo Odayaasha Dhaqanka ee gobolka oo ay sheegeen in ay cafis u fidiyeen Guddoomiyaha Maxkamaddii Islaamiga ahayd ee Gobolka Hiiraan Shiikh Faarax Macallin.
Intaas kadib Jaaliyaddu waxay sheegtay in ay si weyn uga xun tahay falkii lagula kacay Taliyaha Ciidamada Dowladda Federaalka ee Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe Col. Mukhtaar Xuseen Afrax oo Ciidamo Itoobiyaan ah ay u kaxeysteen sabab la xiriirta in uu ka biyo diiday in uu u soo gacan geliyo Shiikh Faarax Macallin.
Falkaas ayay Jaaliyadda ku tilmaantay mid lagu majo xaabinayo Dowladda Federaalka iyo go’aannadeeda jididiillada leh ee ka soo baxaya, sidoo kalena uu falkaas yahay mid wax loogu dhimayo sharafta Shacabka Soomaaliyeed iyo Xoriyaddooda aas-aasiga ah, tiiyoo lagu qal-qalgelinayo nabadgelyada Dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaana tan Gobolka Hiiraan.
Ugu dambeyntiina Jaaliyadda waxay soo saartay baaq ay qodobadiisa ka mid yihiin:
1.In sida ugu dhaqsiyaha badan loogu soo celiyo xorriyadiisa , howlihiisiina uu usii wato Col. Mukhtaar Xuseen Afrax.
2.In la tixgelliyo go’aanaddii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadanaa cafinta dhammaan muwaadiniintii xubnaha ka haaa Maamulkii Maxaakiimta’ ee ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha , si loo hello kalsooni iyo nabad lagu soo dabbaalo dalka.
3.In Maamulka cusub ee gobolka Hiiraan loo dhisay dhawaan, uu si deg deg ah uga qeybqaato sii deynta Sarkaalkaas, si ay u soo noqoto nabadda gobolka.
4.Dhammaan Jaalliyaddaha , Siyaasiyiinta , Odaayaaasha Dhaqanka, Urruradda Bulshadda ee ku abtirsadda gobolka Hiiraan waxaan u soo jeedineynaa In ay ka qeyb qaataan siddii nabad loogu soo cellin lahaa gobolka , loona sii deyn lahaa Col. Mukhtaar Xuseen Afrax.
Wakiilka Jaalliyadda reer Hiiraan ee
Hussein Barre Fidow (Hussein Goodax)