Isniin, January 08, 2007(HOL): Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ku waabariisatay Bandow uu ku soo rogay maamulka cusub ee ay Dowladda Federaalka u magacaqday Gobolka.
Bandowga lagu soo rogay Magaalada Beledweyne oo bilowday 6-dii Maqribnimo ee shalay, isla markaana ku ekaa 6-dii aroornimo ee saaka ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii uu shalay Magaaladaas ka dhacay dibadbax rabshado watay oo ay dadka Beledweyne uga soo horjeedeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo kaxeystay Taliyaha Ciidamada Dowladda Federaalka ee Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe Col. Mukhtaar Xuseen Afrax, kaasi oo loo heysto in uu ka biyo diiday in uu Ciidamada Itoobiyaanka u soo gacan geliyo Guddoomiyaha Maxkamaddii Islaamiga Gobolka Hiiraan Shiikh Faarax Macallin Maxamuud oo Ciidamada Dowladda Federaalka ay ka soo qabteen Degmada Buulo Burte.
Saakay xaalka Magaalada Beledweyne waa degan yahay wax rabshado ahna ma jiraan, walow ay dadku ku doodayaan in ay sii wadanayaan dibadbaxyadooda tan iyo inta laga soo deynayo Col. Mukhtaar Xuseen Afrax oo la sheegay in ay Ciidamada Itoobiyaanka ah u kaxeysteen dhinaca Magaalada Muqdisho.
Banaanbixii rabshadaha watay ee shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu sababay dhimasho hal ruux iyo dhaawaca qof kale, iyadoo sidoo kalena uu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii ganacsiga, inkastoo markii dambe ay dadkii ku soo baxeen oo ay kala ceyriyeen Ciidamada Maamulka Gobolka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online