13 C
London
Sunday, October 12, 2025

Qarax xooggan oo lala beegsaday Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, January 08, 2007(HOL): Habeenkii xalay ahaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay Qarax xooggan oo lala beegsaday Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.

 

Qaraxan oo ay seddex ruux ku dhinteen ayaan la ogeyn ciddii ka dambeysay, walow ay dadkii ka dhawaa halka qaraxa uu ka dhacay ay sheegeen in waxa qaraxa sameeyay ay ahaayeen wax lagu tuuray Kolonyo Ciidamo ah oo marayay inta u dhaxeysa Isgoysyada KM4 iyo KM5.

 

Waa qaraxii ugu horeeyay ee lala beegsado Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee kaaliyana, walow uusan qaraxii xalay khasaare ka soo gaarin Ciidamada loola dan lahaa.

 

Muqdisho oo ay ku sugan yihiin Ciidamo tiro badan oo ka amar qaata Dowladda Federaalka ayaa xaaladdeedu kacsan tahay, waxaana dib u soo cusboonaanaya xaaladdo nabadgelyo darro oo isugu jira dil dhac iyo qaraxyo loo geysanayo dadka rayidka ah.

 

Qaraxa xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee lala beegsaday Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan  farriin cod ah oo uu soo diray ku xigeenka Hoggaamiyaha Al-Qaacidda Ayman Al-Zawahiri uu ugu baaqay Muslimiinta Caalamka in ay Dadka Soomaaliyeed ku caawiyaan sidii ay dalkooda uga baxsan lahaayeen Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan, isagoo si gaar ah u soo jeediyay in Soomaaliya laga fuliyo weerarro la mid ah kuwa dhacaya Dalalka Ciraaq iyo Afghanistan.

 

Sidoo kalena qaraxan ayaa wuxuu u muuqdaa mid daba socda hadal uu Guddoomiyihii Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu Muqdisho ka sheegay maalmihii ugu dambeeyay ee ay Maxkamadaha Islaamka gacantooda ka baxayeen deegaano dhowr ah oo ay horay uga talinayeen, kaasi oo ahaa in ay bedelayaan maxkamadaha Islaamka qaabkii ay dagaalka ugula jireen Ciidamada Itoobiyaan, wuxuuna sheegay in dagaalka ay gelayaan uu noqon doono mid daba dheeraada oo ay ku jebi doonaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee dalka soo galay.

 

Hayeeshee Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa sheegay in aan la isla xiriirin karin qaraxii xalay dhacay iyo hadalkii uu Shiikh Shariif sheegay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay jiraan dad is-qarinaya oo doonaya in ay ka faa’iideystaan marxaladda kala guurka ah ee uu dalka Soomaaliya ku sugan yahay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).