13 C
London
Sunday, October 12, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Xaaladda Dalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, January 07, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa booqasho labo maalmood ah wuxuu ku joogaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kulamo kula leeyahay mas’uuliyiinta Itoobiya iyo kuwo ka tirsan Midowga Afrika oo Addis Ababa ku sugan.

 

Madaxweynaha ayaa lagu soo waramayaa in ay kulamo wada yeesheen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, kaasi oo isla soo qaadeen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, iyadoo madaxweyne Yuusufna uu uga mahdceliyay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Ciidamada uu ku caawiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu tilmaami jiray mid taag daran.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in dowladdiisu ay daneyneyso in ay dalka Soomaaliya ku soo celiso sharcigii iyo kala dambeyntii, iyadoo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiyana uu sheegay in uu diyaar u yahay sidii ugu gacan siin lahaa Dowladda Federaalka in ay soo celiso kala dambeyntii iyo xasiloonidii Soomaaliya.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa markii ay gacan ku heynta Dalka Soomaaliya intiisa badan la wareegtay dowladdiisa waxaa uu socdaal ku tegay Dalka Kenya, halkaasi oo uu kulamo kuula qaatay Kooxda Xiriirka Soomaalida ee uu Mareykanka horkacayo, kuwaasi oo uu u jeediyay codsi ah in dowladdiisa lagu caawiyo sidii ay u heli lahayd Ciidamo ka socda Dalalka Afrika, kuwaasi oo dowladda Federaalka difaaci doona, isla markaana u tababari doona ciidamadeeda.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf ayaa haatan wuxuu u muuqdaa mid ay u rumoobeyso riyo uu lahaa tan iyo habeenkii Madaxweynenimada Soomaaliya loo doortay oo ku beegneyd October 10, 2004, markaasoo Madaxweynaha uu jeediyay qudbaddii ugu horeysay ee uu ku codsanayo in Dowladdiisa lagu garab galo Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah oo Wadamada Afrika ka socda, inkastoo muddo labo sano iyo afar bilood ah oo ay Dowladdiisa jirto uu codsigaas ahaa mid aan dhulka laga qaadin oo Dowladdii Federaalkana ku qasbay in ay ku meereysato Magaalooyin aan Caasimadda Dalka ahayn.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Baydhabo naga soo gaarayna waxay sheegayaan in uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu dib ugu laabtay fariisinkiisii Baydhabo, isagoo sheegay in uu socdaalkiisii dalalka Kenya iyo Itoobiya uu guul ku soo dhamaaday.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).