Axad,
Sababta ay u kaxeysteen Taliyaha ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto isagoo Taliyaha ka biyo diiday in uu u soo gacan geliyo Guddoomiyihii Maxkamadda Islaamiga Gobolka Hiiraan Shiikh Faarax Macallin Maxamuud oo isagu u soo gacan galay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee ku sugan Gobolka Hiiraan.
Wararku waxay intaas ku darayaan in ay Ciidamada Itoobiyaanka ah Taliyaha kaxeysteen kadib markii Shiikh Faarax laga sii daayay Xabsi la geliyay markii ugu horeysay ee laga soo qabtay Deegaanka Halgan ee Degmada Buulo Burte, iyadoo sii deyntiisana ay ka dambeeyeen Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Gobolka oo iyagu ku sababeeyay sii deynta Shiikha in markii la soo qabanayay uu watay gaari aan hubeysneyn, sidoo kalena ay mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka cafis u fidiyeen dadkii ka tirsanaa Maxkamadaha Islaamka.
Odayaasha Dhaqanka ayay wararku sheegayaan in markii ay sii deynayeen Shiikh Faarax ay ku xukumeen in uusan muddo seddex bilood ah ka bixin magaalada Beledweyne, iyadoo mudadaas inta lagu guda jirana uu diyaar u noqdo in uu ka jawaabo wixii su’aalo ah ee laga weydiiyo Maxkamadihii uu ka tirsanaa.
Halka ay Ciidamada Itoobiyaanka la aadeen Taliyaha Ciidamada Gobolka Hiiraan Col. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaan la ogeyn, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in ay la aadeen dhinaca Deegaanka Feer Feer, halka warar kalena ay sheegayaan in ay la aadeen dhinaca Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo weliba saraakiil Itoobiyaan ah.
Dhanka kalena boqolaal dad ah oo ka careysan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee kaxeystay Taliyaha Ciidamada Dowladda Federaalka ee Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa maanta waxay dibadbax ka dhigeen Magaalada Beledweyne, iyagoo sheegay in ay soo horjeedaan in la iska wato madaxdooda.
Dadka banaanbaxayay oo u badnaa Dhalinyaro iyo haween ayaa waxay bar tilmaameedsanayeen Goobaha ay Dowladda leedahay sida Saldhigga Booliska iyo Xarunta Maamulka Gobolka, iyadoo markii dambena ay dadkaasi rasaas ku kala ceyriyeen dadkii kala ceyrinayeen.
Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Beledweyne naga soo gaarayna waxay sheegayaan in uu banaanbaxaasi aad u sii xoogeystay, isla markaana uu sababay dhimashada hal ruux, iyadoo sidoo kalena uu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa ganacsiga Magaalada Beledweyne.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online