Axad, January 07, 2007(HOL): Waxaa gebi ahaanba baaqday socdaal ay maanta magaalada Muqdisho ku imaan lahayd Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika haweeneyda lagu magacaabo Jendayi Frazer, taasi oo haddii ay Muqdisho imaan lahayd kulamo kula qaadan lahayd Ra’iisal Wasaare Geedi iyo Xubno ka tirsan Bulshada Rayidka.
Sababta baaqashada socdaalka Jendayi Frazer oo aan la ogeyn waxa sababay ayaa hadana waxaa jiro warar sheegaya in uu la xiriiro iyadoo socdaalkeeda ay shalay ilaa xalay shaacinayeen Warbaahinta Gudaha iyo Dibadda, halka qorshuhu ahaa in socdaalka qarsoodi laga dhigo iyo iyadoo maalintii shalay ahayd ay magaalada Muqdisho ka dhaceen dibadbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan iyo weliba in dadka Muqdisho lagu sameeyo hub ka dhigis xoog ah.
Haddaba kulankii ay Jendayi Frazer la yeelan lahayd mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo kuwii Bulshada Rayidka ayaa loo wareejiyay magaalada Nairobi, waxaana mas’uuliyiintii ay Muqdisho kula kulmi lahayd loo soo diray oo Garoonka Muqdisho ka qaaday labo diyaaradood oo mid ay qaaday Wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisal Wasaare Geedi, halka tan kalena ay qaaday Xubnaha Wafdigii Bulshada Rayidka.
C/llaahi Maxamed Shirwac oo wafdiga Bulshada Rayidka hoggaaminayay ayaa sheegay in ay Kenya u tegayaan sidii ay Jendayi Frazer ugala soo hadli lahaayeen arrimaha Bulshada Soomaaliyeed, isagoo dhinaca kalena ka gaabsaday in uu sheego waxyaabaha loo aaneyn karo in uu keenay baaqashada socdaalkii ay Jendayi Frazer ku tegi lahayd Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online