Sabti, January 06, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Hotel ku yaala Xaafadda Islii oo lagu magacaabo Barakaat la qabtay ilaa Afar Xildhibaan oo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay su’aalo weydiinayaan Saraakiil ka tirsan Waaxda Socdaalka Kenya.
Xildhibaanadan ayaa loo heystaa in ay Magaalada Muqdisho ku qabteen Shir Saxaafadeed ay ku cambaareynayeen Dowladda Itoobiya, iyadoo Dowladda Kenya-na ay xadgudub u aragtay in dalkeeda laga cambaareeyo dal kale, iyadoo dadka Cambaareynayana aysan dalka Kenya ku joogin qaab rasmi ah.
Xildhibaano gaaraya labaatameeyo oo ku kacsan siyaasadaha Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa waxay in muddo ah ku sugnaayeen magaalada
Dhanka kalena waxaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ilaa 15 Mudane oo ka tegay Magaalada Nairobi, kuwaasi oo uu hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa, iyadoo Xildhibaanadaasna la sheegay in ay ku jiraan kuwo Kenya isaga soo baxay kadib markii qabqabshada lagu bilaabay Xildhibaanada Dowladda Federaalka ee ku kacsan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.
Tallaabadan lagu qabqabanayo Xildhibaanada Dowladda Federaalka ee Nairobi ku sugan ayaa waxaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyaan mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka oo dhibsaday in ay Nairobi joogaan Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo hadana mucaarad ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in Xildhibaanadan ay Nairobi la joogeen Guddoomiyaha Baarlamaanka oo si weyn uga soo horjeeda in Ciidamada Itoobiya ay soo galaan dalka Soomaaliya, kana howlgalaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online